Garowe(pp) Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu horkacayo ku xigeenka madaxa ee Hay’adda WFP Moumini Doudrauga.
Waxay ka wada hadleen labada dhinac arrimaha hay’adda cunidda aduunka ay ka wado Puntland iyo sidii loo dardar galin lahaa mashaariicdaasi.
Marka uu soo dhamaaday shirka ay wada qaateen labada dhinac warbaahinta waxaa la hadlay Agaasimaha guud ee madaxtooyadda Deeq Sulaybaan wuxuna sheegay in laga wada hadlay howlaha ay Hay’addu ka wado Puntland iyo sidii loo xoojin lahaa.
Dowladda ayaa WFP ugu deeqday dhul ay xafiisyo ka dhistaan si howlaha ay wadaan loosii ballaariyo.
Ku xigeenka madaxa Hay’adda ee Somalia Moumini Doudrauga ayaa sheegay kuu ku faraxsan yahay wada hadalka dhexmaray isaga iyo Eng.Camay.
Hay’adda ayaa barnaamijyo kala duwan oo dhanka cuntada ah ka wada deegaanada Puntland kuwaasoo lagu rajo wayn yahay in lasii balaariyo.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe