Isniin 07, 04, 2014 Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka anba baxay magaalada Burtinle iyagoo kusii jeeda Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalooyinka kala ah Xarfo, Bacad-weyn iyo Cagaaran waxaana dhamaan dadweynaha magaalooyinkaasi ay dadwenihii ku suganaa taagnaayeen wadooyinka iyagoo ka qayb qaadanayay soo dhoweynta Madaxweynaha dawlada Puntland iyo wafdigiisa.
Madaxweynaha ayaa ku hakaday isla markaana dhex lugeeyey deegaanadii uu soo maray oo dhan, isagoo dadweynaha ku sugnaa deegaamadaasi ka dhagaystay warbixino ay ku soo bandhigeen duruufaha ka jira deegaamadaasi
iyagoo Dawladda ka dalbaday in wax laga qabto baahiyahasi.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa u sheegay dhamaan dadweynihii uu soo maray in safarkiisa gobolka mudug uu salka ku hayo sidii loo ogaan lahaa xaaladda guud ee shacabka.
Madaxweyne Gaas wuxuu sidoo kale tilmaamay, in Dawladdiisu ay intii awoodeeda ah ka qaban doonto baahiyaha kala duwan ee ka jira Puntland, sidoo kalena loo baahan yahay in shacabka laftoodu ay ka qayb qaataan horu marka Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa waxuu intaasi kusii daray inay lagama maarmaan tahay in loo baahan yahay in dawlada iyo shacabka Puntland looga baahan yahay in si wada jir ah ay gacmaha isu qabsadaan.
Madaxweyanaha ayaa waxuu hore ugu usii kicitimay magaalada Galkacyo,
halkaasi oo dadweynaha ku dhaqani ay si weyn u soo dhoweeyeen madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Madaxweyne Gaas ayaa markii uu tagay magaalada Galkacyo wuxuu kormeeray garoonka diyaaradaha ee Galkacyo, isagoo halkaasi kula kulmay masuuliyiinta gacanta ku haysa maamulka garoonka Galkacyo.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa dadweynaha Galkacyo la hadlay, wuxuuna uga mahad naqay sida diiran ee ay ugu soo dhoweeyeen magaalada Galkacyo.
Wuxuu kaloo u sheegay inuu la joogi doono maalmaha soo socda isla markaana uu doonayo inay iska waraystaan xaaladaha guud ee gobolka iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in hore loo qaado si loogu tallaabsado horu maro kala duwan.
Halkan ka dhagayso codka Madaxweynaha Puntland oo Arimo Badan ka hadlaya, dilkii Labada Sargaalka ee QM Gaalkacyo lagu dilay iyo soo dhoweyntiisa Gaalkacyo
__________
Xafiiska Wararka Gaalkacyo