Gaalkacyo(pp) Labo xarumood oo ah nooca ganacsiga ee casriga ah ayaa maanta laga furay magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug.
Xarumaha xariga laga jiray ayaa kala ah Hanad Hayper Market & Raad Sea Company waxana iska leh ganacsato reer Puntland ah oo go’aan ku gaaray inay ka qayb gallaan kobcinta ganacsiga iyo wax soo saarka dalka gudihiisa.
Munaasibad labadaasi meheradood xariga looga jarayay ayaa maanta waxaa kasoo qayb galay mamulka xarumahan,wakiilka rugta ganacsiga Puntland ee Gobalka Mudug iyo Dadwayne kale.
Fahiim Siciid Guume madaxa rugta ganacsiga Gobolka Mudug oo xarumahaan si wada ar ah xariga uga jaray ayaa waxaa uu sheegey inay ka qayb qaadanayaan sare u qaadista ganacsiga Gobolka Mudug ayna dhiiri galin u tahay qurbaha joogta & dadka wax haysta ee u dhashay Gaalkacyo inay maal gashi ay ku sameeyaan arimaha ganacsiga.
Siciid Axmed Faarax oo ka tirsan xarunta Hanad Hayper Market ayaa sheegey inay shacabka ugu tala galeen helitaanka dhamaan Hayper Market dhamaystiran kana kooban qaybta electronics ka computers ka & dhamaan qalabka caruurta.
Masuulkan ayaa hoosta ka xariiqay dadka inay ka helidoonaan xaruntodaa adeegada aasaasiga u ah qoyska iyo goobaha kale ee meherada ah.
Masuul kale oo u hadlay Shirkadda Read Sea Company ayaa sheegay sababta xaruntaan ay u fureen inay tahay sidii shacabka Gobalka Mudug gaar ahaan kuwa Gaalkacyo ay si fudud ugu heli lahaayeen agabyadda Guryaha lagu dhiso iyo wax kasta oo la xariira,wuxuna tilmaamay xarumo kale inay ku lee yihiin Magalada iyo Puntland.
Sanooyinkii ugu danbeeyay Gaalkacyo ayaa ka mid ahayn goobaha ay kusoo kordhaan xarumaha ganacsiga ee gaarka loo lee yahay iyadoona hadda dadku ay si hufan usoo fahmeen ganacsiga inuu yahay kan ugu horeeya ee hormarka dalka.
Warbixinta iyo Sawiradda waxay ka timi Mukhtaar Suudaani
Puntlandpost.com