Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Buundada Midiger oo gabo-gabo maraysa iyo Eng.Camay oo booqday (Sawirro&Cod)

$
0
0

Garowe(pp) Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa maanta soo dhagax dhigay Buundada Falayr-yaale oo waxyeelo kasoo gaartay roobabkii sanadkii hore dhamaadkiisa Puntland ka da’ay inta uusan halkaasi dhagax dhigay waxa uu sidoo kale daah furay dhismayaal cusub oo lagu kordhinayo wasaradda howlaha guud iyo gaadiid.

Marka uu labadaasi meel Madaxwayne ku xigeenku uu soo dhagax dhigay waxa uu soo socdaal gaaban ku gaaray Buundada Midigar oo ay ka socodo howl baxaad ah oo lagu doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameeyo buundadaasi inta aan la gaarin roobka Gu’ga.

Libaax ayaa ka mid ah meelaha kale uu madaxwayne ku xigeenka iyo wafdiga uu hoggaminayay oo ay ka mid ahaayeen wasiiro,guddiga dhaqaalu u aruurinta buundooyinka bur buray iyo Agaasimaah Jidadka.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in ay dhamaad ku dhow dahay Buundada Midigar oo ah tan ugu daran maadama ay mudo halkaasi shaqo culusi ka socotay wuxuna sheegay in aysan wali gacanta ku dhigin dhaqaalihii loo qoondeeyay meelaha bur bursan.

Agaasimaha Jidadka Maxamuud Aadan Dalab ayaa sheegay dowladda inay bixisay 300-oo kun balse Hay’addaha caalamiga ah,shacabka iyo Ganacsatadu ay wali ka dhowrayaan qoondadii loogu talo galay.

In ka badan $900 ayuu sheegay Agaasimaha in lagu qiyaasay dhaqaalaha ku baxay buundoyinka burbursan.

Madaxwayne ku xigeenka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada qayb galo dhismaha Buundooyinka oo qaarkood xitaa aan waligood helin dayactir,wuxuna ku boggaadiyay Guddiga dhaqaale aruurinta iyo Hay’adda wadooyinka Puntland.

 

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>