Gaalkacyo (PP) Madaxweynaha Dowlada Puntland Proff C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta oo jimce ah Booqday Qabriga Marxuun C/laahi Yuusaf Axmed oo ahaa Madaxweyihi ugu horeeyey ee Dowlada Puntland Aas Aasa yaashii Puntland ka mid ahaa sidoo kale soo noqday Madaxweynihi Dowladii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya.
Proff C/wali Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha oo ay wehliyaan Qaarka mid ah Golaha Wasiirada,Xildhibaano iyo Sarakiil Ciidan ayaa Booqday Qabriga Marxuun C/laahi Yuusuf waxaa ay Alle ugu baryeen inoo Cabriga u waasiyo Janadiisa geeyo.
Sidoo kale Madaxweynaha Waxaa uu booqday Dhamaan Xarumaha Ciidamada Dowlada Puntland ee Gaalkacyo halkaasi oo ay ku suganyihin Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawishta Puntland.
Waftigan ayaa dhanakale tagay Jeelka Weyn ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ay kuxiranyihin Dabiyaal kale duwan Madaxweynaha ayaa kormeeray guud ahaan qaybaha Jeelka Sidoo kale xaalada Jeelka Qiimyey wuxuu kulan la qaatay Taliyaha Jeelka.
Gaas wuxuu Xariga ka jaray Wado laami ah oo laga hirgaliyey Xaafada Garsoor iyo sidoo kale kaamam Barkayaal oo kuyaala dhinac Bari ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Puntland ayaa Dhagax dhigay Saldhig Ciidan oo magaalada Gaalkacyo duleedkeeda Bari laga sameeyey kaasi oo loogu talgalay dhowr kaam oo barakacaay tagyihin in ay isticmaalaan.
Shacabka Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta ahaa kuwo aad Wajiyooda looga dheehankaray Farxad waxaa ay soo istaageen Wadooyinka waa weyn iyagoo Caleemo Qoyan iyo Calanka Puntland gacmaha ku haystay Madaxweynaha Waxaa uu ahaa mid gacanta u taagay salaan sidoo kale Magaalada dhexmaryey Isaga Iyo Waftigiisa.
Xafiiska Wararka Gaalkacyo
Maslah Mukhtaar Daahir