Ciidanka Kenya iyo kuwo mamulka Jubba ayaa maalinkii shalay kooxda Alshabab kasoo furtay labo ruux oo u dhashay dalka Kenya.
maxaabiisAlshabab ayaa labadan qof ka afduubtay sanadkii 2011 xadka u dhaxeeya Somalia iyo Kenya waxayna u shaqayn jireen labo hay’adood oo samafal ah,waxana raggaasi lagu kala magacaabaa Daniel Njuguna iyo James Kiarie Gichuhi.
Sarkaal u hadlay ciidanka Kenya ayaa sheegay labadan muwaadin inay soo bad baadiyeen maalinkii shalay oo khamiis ahayd,haddana caafimaadkooda lagu baarayo magalada Dhoobley oo ka tirsan gobalka Jubadda hoose ee mamulka Jubba.
ALshabab bil ka hor waxay Baraawe ku shaacisay labadaan qof ee ay soo afduubteen inay qaateen diinta islaamka sidaasi darteedna ay fasax ka yihiin oo ay meesha ay doonaan ku noolan karaan.
Balse ragga la bad baadiyay ma aysan sheegin inay diinta islaamka qaateen iyo in kale.
Kooxdan islaamiyiinta ah ee Alshabab ayaa dilal iyo qaraxyo kala duwan ka gaysatay Kenya tan iyo markii ay ciidanka Kenya gudaha usoo galleen Soomaaliya.
Xigasho-Puntlandtoday.com