Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22755

Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud: Ma La Gaarey Waqtigii Aad Is Casili Lahayd?

$
0
0

Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliyeed ayaa waxaa asbuucyadaan soo food saartey dib u dhac dhinaca siyaasada ah, ka dib markii uu ku fashilmay xal u helida sida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee degan Nairobi ula dhaqmeen ciidamada sida gaarka ah loo tababaray, ee loo yaqaan (GSU)da.

MohamedBarre1 (1)Sawirada shabakadaha wararka Soomaalida ee sida gaarka loo leeyahay, twitterka iyo facebookga ayaa soo bandhigay sawiro ka tarjumaaya sida loola dhaqmay qaxootiga Soomaalida in ay ahayd mid xadgudub ku ah qawaaniinta iyo xeerarka qaxootiga aduunka u degsan.

Arintaan oo si wayn uga caraysiisey dhamaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaana Qurbojooga, in Dowlada Federaalka Soomaaliyeed ay ka soo baxi wayday xilkii ka saarnaa xal u helida arimaha soo wajahay muwaadiniinteeda oo la filayey in arintaan ay dhacayso madaama ay dowlada Kenya ku dhawaaqday in qaxootiga Soomaalida ay ka baxaan magaalooyinka, kuna laabtaan xerooyinka.

Qurbojoogta Soomaaliyeed ee degan Magaalada Minneapolis, ee gobolka MN – intooda badan ayaa waxay ku noolaayaan dalka Kenya waqtigii ay ka soo qaxeen Soomaaliya, horaantii sanadkii 1991gii, kuwaan oo ahaa racii ugu horeeyey ee ku soo qaxa xeradii loo yaqaanay Showground, ka dibna loo raray Utanga, waxayna si aad uga dheregsan yihiin sida ay askarta Kenya ula dhaqanto muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Arintaa waxaa xasaasi ka dhigay dhibta qaxootiga Soomaaliyeed kula kulmaan wadamad qaarkood sida wadanka Koonfur Africa oo si aad loogu dhaco, looguna dilo ganacsatada Soomaaliyeed, iyo wadanka Zambia asna arimo fool xun ka dhaceen waqtigii ay dadka degan magaalada Ndola dhaca iyo boobka u gaysteen muwaadiniin Soomaaliyeed iyo is xilqaam la’aanta xukuumada hada jirta.

Madaxwaynaha Dowlada Federaalka iyo xukuumadiisa madaama ay ku fashilantey arintaan, inta aan la gaarin doorashada 2016 (Waa qokuu ALLAH gaarsiiyo), qurbojoogta ayaa isla dhexmaraya in haboonaan lahayd in uu Madaxwaynaha is casilo ama uu ku dhawaaqo in uusan doorashada u istaagayn sababta oo ah dadka siyaasada odorosa ayaa leh arintaan waxay noqon doontaa caqab hor istaagta musaqbalkiisa dhinca siyaasada, iyada oo in markale loo doorto madaxwaynimo iska daaye, laga yaabo in xataa gudoomiye degmana ka hor istaagto.

Waxaa isku soo dubariday: Mohamed Barre – junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, ee gobolka MN – junlay99@aol.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22755

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>