Kismaayo(pp) Ra’iisul Wasaraha Somaliya Cabdiwali Shiikh Axmed oo maalinkii shalay gaaray magalada Kismaayo ayaa maanta booqday dhowr xarumood oo magalada ku yaala. Meelaha uu booqday waxaa ka mid ah Bangiga,xarunat Caymiska,Dekada,goobaha waxbarashada magalada iyo Isbitaalka wuxuna dhamaan goobihii uu tahay warbixino ku saabsan ka dhagaystay dadka mamulo.
Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa tilmaamay inuu wax ka qaban doono baahiya ka jira magalada Kismaayo oo ay ugu horayso in gargaar lasoo gaarsiiyo dadka danyarta ah ee magalada Kismaayo ku sugan.
Maalintii labaad ayuu RW.Cabdiwali ku sugan yahay magalada Kismaayo oo amaankeeda si wayn loo adkeeyay.
Puntlandpost.com
Xafiiska Kismaayo