Garowe(pp) Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland oo maanta khudbad ka jeediyay munaasibad lagu xusayay maalinta ciidanka xooga dalka Somalia oo Garowe lagu qabtay ayaa sheegay dowladdu inay waxbarasho lacag la’aan ah u samaysay caruurta ay dhalleen ciidamadda Puntland.
Waxa uu sheegay sidii tayada waxbarashada Puntland kor loogu qaadi lahaa in la kordhiyay dhaqaalaha waxbarashada loogu talo galay,isagoona muujiyay inay ka go’an tahay wax u qabasahda ciidamada qalabka sida ee Puntland.
Eng.Camay ayaa sheegay inay hadda wadaan qorshe lagu tirakoobayo ciidamada Puntland si loo muujiyo waxqabadka ay dowladdu ugu talo gashay.
Arrintan ayaa qayb ka ah isbalkii uu ku dhawaaqay madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas).
Halkan ka dhagayso Codka madaxwayne ku xigeenka Puntland
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe