Gaalkacyo(pp) Madaxwaynaha Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magalada Gaalkacyo ayaa maanta gaaray magalada Galdogob oo ka mid ah degmooyinka Mudug ka tirsan.
Iskuulada ku yaala magalada,isbitaalka iyo Saldhiga ayuu booqday waxana lagu wadaa inuu shirar kala duwan la qaato waxgaradka degmada iyo mamulka.
Caawa fiidkii ayaa la sheegayaa inay madaxwayne Gaas la kulmeen qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka hase ahaatee wax war ah lagama hayo balse ammaanka goobta uu madaxwayne Gaas kaga sugan yahay Galdogob ayaa la adkeeyay.
Puntlandpost.com
Xafiiska Gaalkacyo