Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ra’iisul wasaare Cabdiwali oo la kulmay Odayaasha Kismaayo

$
0
0

Kismaayo(pp) Ra’iisulwasaraha Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa maanta kula shiray aqalka madaxtooyadda mamulka Jubba Odayaasha iyo waxgaradka magalada Kismaayo.

Axmed-Madoobe-iyo-Cabdiweli-SheekhWaxaa kulanka goobjoog ka ahaa madax ka tirsan mamulka Jubba ,iyadoona Odayaashii kulanka ka hadlay ay Cabdiwali Shiikh ka codsadeen inay taageero ka siiyan mamulka dhismaha kaabayaasha kala duwan ee dhaqaalaha,Caafimaadka,nabadgalyadda iyo addeegyadda bulshada.

Ra’iisulwasaare Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa ka aqbalay codsiyadii uga yimi Odayasha Kismaayo wuxuna sheegay inta awooda dowladda dhexe ah inay la garab taagan yihiin mamulka Jubba iyo hormarkiisa.

Cabdiwali ayaa maalinkii Saddaxaad ku sugan magalada Kismayo sida ay wararku sheegayaana waxa uu la shirayaa ururadda bulshada iyadoona laga wada hadli doono baahiyaha ka jira arrimaha bulshada.

Puntlandpost.com

Xafiiska Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>