Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

War Deg deg ah:Dr.Gaas iyo Cabdiqaybdiid oo ku shiraya magalada Gaalkacyo

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magalada Gaalkacyo ayaa madaxyooyada kula shiraya madaxwaynaha Galmudug Cabdi Cawaale Qaybdiid.

Gaas1---Labadan masuul ayaa ka wada hadlaya sida ay wararku nagu soo gaarayaan xaalada ammaan iyo mida wada shaqayneed ee magalada Gaalkacyo madama dhanka Galmudug ay arrimo badan oo ammaanka lidi ku ah ka yimaadaan.

Shirkaan ayaa waxaa lagu wadaa inay kasoo baxaan go’aamo wax ku ool ah oo ay labadan masuul wada gaaraan iyadoona uu noqonaya kulankii ugu horeeyay ayay labadaan madaxwayne wada qaataan.

Ammaanka Gaalkacyo ayaa si wayn loo adkeeyay iyadoona dadka kale ay ka socota abaabulka loogu jiro qabashada doorashada duqa iyo ku xigeenka magalada Gaalkacyo.

Faah faahin wararka danbe ka suga.

Puntlandpost.com

Xafiiska Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>