Gaalkacyo(pp) Gollaha deegaanka Gaalkacyo ayaa goor dhawayd waxay iska dhex doorteen duqa degmada Gaalkacyo ahna gudoomiyaha Gollaha deegaanka.
Doorashada ayaa waxaa goob joog ahaa madaxwaynaha dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale waxana tartar xilkasi loo galay ku guulaystay Cabdicasiis Jaamac Nugaal oo helay 15.
Ilaa hadda warbaahinta iyo madaxda dowladdu way ku sugan yihiin goobta ay doorashadu ka dhacayso oo ah Dugsiga Farsamadda gacanta ee magalada Gaalkacyo.
Gaalkacyo ayaa saddex sano ka dib heshay golle deegaan oo shaqaynaya ka dib markii uu Digreeto ku kala diray gollihii hore madaxwaynihii hore ee Cabdiraxmaan Farole.
Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa boggaadiyay habka ay doorashu u dhacday wuxuna sheegay inay muhiim tahay in hormarka Gaalkacyo ay shacabku ka shaqeeyaan laamaha ammaankana ay garab siiyaan.
Sawirro.iyo faah faahin wararka danbe.
Puntlandpost.com
Xafiiska Gaalkacyo