Garowe(pp) Magalada Garowe xarunta Puntland maanta waxaa lagu qabtay munaasibad lagu daah furayo machadka Vision International College iyo Barnaamijka Scholarship ee ”Pan African E-Network”.
Munaasibada oo ka dhacday hoolka shirarka Hotelka New Rays ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka waxbarashada,bahda waxbarashada,masuuliyiinta Jaamacadaha Magalada iyo marti sharaf kale.
Mamulaha Machadka Vision Maxamed Xasan Sulaybaan oo ugu horayntii goobta ka hadlay ayaa tilmaamay macadkan inuu aasasan yahay mudo afar sano ah ayna xiriir wanaagsan la lee yihiin jaamadaha gudaha iyo macahdyo kala duwan.
Waxa uu sheegay inay ka go’an tahay inay shacabka magalada Garowe usoo gudbiyaan waxbarasho tayo leh oo lagu qanci karo.
Goobta ayaa lagu soo bandhigay macluumaad xanbaarsan waxyaabaha Machadka uu ardaydda u hayo iyo sida loogu gudbinayo.
Waxaa goobta sidoo kale lagu soo bandhigay Barnaamij waxbarasho oo qaab Online ah wax loogu baranayo kaasoo ay wado dowladda Hindiya,waxayna ku doonaysaa inay Dalalka Africa ka hesho xiriir waxbarasho oo mustaqbal leh.
Barnaamijkan isaga ah ayaa ka shaqeeya dalal badan oo Africo ah waxana Dowladda Hindiya la kaashatay Midowga Africa iyo dowladda Ingiriiska.
124-arday ayaa mashruucaasi qaybtiisa hore ka qalin jabiyay ka qalin jabisay halka Dalka Uganda ay ka qalin jabiyeen afar kun oo arday.
Cabdirsaaq Axmed Muuse oo ah masuulka isku xiraya Barnaamijkan Pan Africa E-network iyo Dowladda Somalia ayaa sharaxaad dheer ka baxshay qaabka uu barnaamijkan ku bilowday iyo faa’iidooyinka uu xanbaarsan yahay.
Agaasimaha Tacliinta sare ee wasaradda waxbarashada Puntland Cabdilaahi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin furitaanka Macadkan iyo barnaamijkan Pan Africa wuxuna sheegay in ardayda looga baahan yahay inay ka faa’iidaystaan waxbarashada tayada wanagsan ee dalkooda loogu keenay.
Wasiir ku xigeenka wasaradda waxbarashada Puntladn Dr.Maxamed Cali Faarax oo daah furay machadkan ayaa sheegay ka wasaradda ahaan inay soo dhawaynayaan loona baahan yahay in laga faa’iidaysto aqoonta uu wado Mac’hadka iyo barnaamijka Pan Africa E-Network.
Dr.Maxamed Faarax waxa uu qiray aqoontu inay tahay tan kaliya ee lagu nool yahay laguna hormaro,dad iyo dal aan dhanka aqoonta ka dhisnayna ay dhibaato hortaalo.
Agaasimaha Hay’adda Astaynta iyo mamul wanaaga Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye oo ka mid ahaa dadkii kulanka lagu caasumay ayaa sheegay inay tahay wax aad u wanaagsan in dalkii laguugu keeno aqoon tayo leh oo heerkeedu wanagsan yahay.
Mac’hadkan la yiraahdo Vision ayaa labo xarumood ku leh Boosaso iyo Gaalkacyo wuxuna baxshaa maadooyin kala duwan oo lagu qaadanayo Shihaadada Darada kowaad.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe