Bosaso(pp) Waxa lagusoo gaba gabeeyay Majidka wayn ee Al Rawda ee Magaalada Bosaso Nadwadii kasocotay oo ahayd Nadwadii 12aad ee lagu qabto Bosaso Mawduuceeduna uu ahaa (أعمال القلوب) , iyadoo intay socotay laga soo jeediyay Duruus aad u qiima badan oo ay ka qayb qaateen Culimo kala duwan.
Darsigii ugu danbeeyay ee lagasoo jeediyo Masjidka Al Rawada waxaa uu kusaabsanaa Tawbada, Waxaana soo jeediyay Sheekh Daahir Aw Cabdi, isagoo ka hadlay ugu horayntii Qeexitaanka Tawbada oo ku tilmaamay in loola jeedo ” soo noqoshada loosoo noqdo Daacada Alle”.
Intaa ka dib shiikhu waxa uu aad uga hadlay Qiimaha iyo Xukunka Tawbada , isagoo hadalka wata ayuu waxa uu yiri : waxaa ku tusinaya Qiimaha Tawbada aayaatka Alle iyo Axaadiithta Nabiga, Alle kor ahaaye waxaa uu yiri : “Alle waxaa uu jecelyahay kuwa usoo noqda (Tawaabiinta).
Nabiga waxaa laga wariyay in uu yiri : “Alle ayaa uga farxid badan soo noqoshada Adoonkiisu uu dunuubta kasoo noqdo farxida uu ku xarfo qofkiin gaadiidkiisa oo dhul bahgooyo ah ugu dhumay oo usoo laabtay”.
Wuxuuna shiikhu isagoo hadalka sii wata yiri: qofka Muslimka ahi inuu towbad keeno waa waajib, Alle waxaa uu yiri kor ahaaye : “kuwa iimaanka laga helayoow u soo noqda ilaahay soonoqosho wanaagsan.
Sidoo kale shiikhu waxa uu aad ugudheeraaday Qaybaha Tawbada , shuruudeeda iyo danta towbada laga leeyahay. Si kastaba ha ahaatee shiikhu gabagabadii muxaadaradiisa yuu waxa uusoo ban dhigay tusaalayaal dhowra oo kusaabsan dad toobadkeenay qisooyin laga soo wariyay, isagoona sheegay in towbada mar walba loo baahan yahay, oo aysan ku koobnayn marka danbigu kaa dhaco oo kaliya.
Intaa ka dib ayaa waxa loogudbay qaybtii labaad ooahayd soo gunaanadka Nadwada, waxaana ugu horayn ka hadlay Sh.Yuusuf Cabdicaziiz oo ku hadlayay magaca culimada, isagoo Bulshada ka codsaday inay Culimada duruusta kala duwan usoo jeedisay Wakhtigoodana u hurtay ay wayneeyaan, ixtiraamaan, aynajeclaadaan
Sidoo kale waxa hadalka qaatay Ustaad Ciise Siciid Muxamed oo ah Gudoomiye ku xigeenka geed ee Mu,asadada Al-Minhaaj, isagoo warbixin kooban ka bixiyay guud ahaanAcmaasha Nadwada , isagoona sheegay in diroosta kulan cilmiyeedkan intuu socday guud ahaan ay gaarayso 32 darsi, ku was oo kakala baxayay meelo kala duwan, Sida masaajida , iskuulada, macaahida, jaamacadaha, rugta ganacsiga iyo mid ka baxay xarunta dowlada hoose ee boosaaso.
Hoos ka daawo Halakuu Ka jeediyay Gudoomiye ku xigeenka geed ee Mu,asadada Al-Minhaa Ustaad Ciisa
Nabadoon Xarago oo isaguna madasha ka hadlay ayaa hadalo Qiima badan halkaasi kasoo jeediyay, isagoona Dhalinyaradana ka waaniyay Tahriibka.
Gabagabadii Nadwada ayaa waxa kasoo baxay Bayaan ay Culimadu kasoo saareen Nadwadaan, waxaana Bayaanka Akhriyay Sh.C/raxmaan Aw-Ciise Gudoomiye ku xigeenka Mu’asasada Al-Minhaaj Qaybta Bari
Hoos Ka Akhrsio Bayaanka ay soo saareen Culumada,kana daawo Sawirada;
19/04/2014 M 19/06/1435 H
baaq kasoo baxay kulan-cilmiyeedkii 12aad ee lagu qabtay magaalada boosaaso:
Ilaah ayaa mahadi u sugnaatay Nabigeena Muxamed Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha
ahaato, intaas kadib waxaa Magaalada Boosaaso lagu qabtay kulancilmiyeed ay kasoo
qayb galeen Culimo ka kala socotay Degaannada Puntland, kaasoo looga hadlaayey
Camalada qalbiga, socdayna mudo shan Maalmood ah,
Kulankaas oo Culimadu kusoo bandhigeen duruus kala duwan oo ay kafaa,iidaysteen
qaybaha kala duwan ee Bulshada,duruustaas oo lagu qabtay xarumaha kala ah:
Jaamacadda Bariga Afrika, iskuullada Machadyada, Xarunta Dawlada Hoose, Rugta
Ganacsiga, iyo masjidka wayn ee Al-Rawda.
Waxaa xusid mudan in duruusta Masjidka Rawda lagala socday gudaha iyo dibadda
dalka. duruustaas oo tiradoodu dhamayd ilaa 32 darsi,waxaa garab socday Jawaabo lagu
dawaynayey su,aalihii Bulshadu u soo gudbisay culimada.
Gunaanadkii kulan Cilmiyeedka ayaa Culimadu waxay kasoo saareen Baaqan soo socda:
Bulshada guud
1. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan umadda Soomaaliyeed alle kacabsi iyo inay
qabsadaan kuna dhaqmaan Kitaabka iyo sunnada Nabiga ( nabadgelyo iyo naxariis
korkiisa ha ahaato)
2. Waxaan ugu baaqaynaa umadda Soomaaliyeed walaalnimo, heshiis, is cafin,iyo in
ay ilaaliyaan midnimadooda
3. Waxaan ugu baaqaynaa bulshada inay ka fogaadaan dhaqamada xun-xun ee
dhaawacaya diinteena, sida: sixun u adeegsiga internetka, qaawanaanta,
filimadaxun, heesaha, daroogada, oo uu ugu daranyahay qaadku,
4. Waxaan ugu baaqaynaa bulshada gaar,ahaan dhalinyarada wiilal iyo gabdhaba inay
kawaan toobaan tahriibta taasoo ay kala kulmaan dhibaatooyin W/weyn oo ay ka
mid yihiin dhaqaale burbur, xarig, kufsi, dhimasho, iyo qoysaskii ay kadhasheen
oo burbura, ogaadaana qofka qatartaas u bareera in uu lamid yahay qof naftiisa
dilay sharci ahaanna aanay bannaanayn.
5. Bulshada Soomaaliyeed waa inay ka digtoonaadaan hindi-sayaasha ay wataan
hay,adaha gaaladu ee khilaafsan diinteena, taasoo ay hada ugu darantahay dagaalka
qaawan ee lagu diidanyahay gudniinka gabdhaha ee Sharciga ah, iyadoo diinteenu
amartay in la gudo rag iyo dumarba, waxaase xusid mudan in uu xaaraam yahay
gudniinkii loo isticmaali jiray gabdhaha ee loo yaqaanay fircooniga, hadaba
culimadu waxay fatwo kusoo saareen in gudniinka gabdhaha ee sharciga ah uu
yahay shay diin ah oo aan sinaba looga tegi Karin.
2.Siyaasada
6. Waxaan ugu baaqaynaa siyaasiyiinta soomaaliyeed in ay kashaqeeyaan danaha
dalka, dadka iyo diinta, kana fogaadaan wax yaabaha iska horkeeni kara ummadda
Soomaaliyeed, lana yimaadaan maamul wanaag iyo hufnaan
7. Dawaladda fedraalka waxaan ugu baaqaynaa in ay sidegdeg ah ugu hawlgasho
daryeelida qaxootiga Soomaaliyeed ee ku firirsan daafaha dunida iyo dalkaba gaar
ahaan kuwa hadda dhibaatadu ku haysato dalka keenya.
8. Culimadu waxay si adag u canbaaraynaysaa hab dhaqanka dawladda keenya ay
kula kacday Bulshada Soomaaliyeed ee martida u ah xiligaan danbe,
9. Maamulada Soomaalida : waa inay daryeelaan dadka iyo Gobolada ay xukumaan
islamarkaasna kafogaadaan wixii keeni kara dhiig Soomaaliyeed oo daata,
3.Hogaanka dhaqanka :
10. Waxaan ugu baaqaynaa isimada, nabadoonada iyo Cuqaasha, in ay u weel qaadaan
dib u heshiisiinta, kala guridda, iyo nabadaynta beelaha soomaaliyeed ee ay
hogaanka u yihiin, beeluhuna waa inay la yimaadaan isu turid, dulqaad, is cafin,
iyo isu calool xaarnaan.
Haweenka:
11. Haweenka Soomaaliyeed waxay leeyihiin mudnaan wayn maadaama ay yihiin
hooyooyinkii ummadda, sidaa darteed waa in ay gartaan kaalin tooda ay siisay
shareecadu kana fogaadaan dabinada lagu majara habaabinayo waxna loogu
dhimayo sharaftooda iyo maamuus kooda, ogaadaanna in ay siisay shareecadu
xuquuq dooda oo dhamaystiran
Culimada iyo aqoon yahanka :
12. Waxaan ugu baaqaynaa Culimada iyo aqoon yahanka Soomaaliyeed inay ku beeg
toonaadaan kaalinta ay ku leeyihiin bulshada, ee ah toosinta dhaqankooda iyo
tayaynta tacliintooda kana wacyi geliyaan wixii dhaawacaya quluubtooda,
Akhlaaqdooda iyo dhaqan kooda suuban.
.Mahadnaq :
Waxaan umahad naqaynaa mu,asasadii soo abaabushay kulan cilmiyeedkaan ee
Alminhaaj, iyo dhammaan gudiyada kashaqay naayey, waxaan kale oo u mahad naqaynaa
bahda saxaafadda qaybaheeda kala duwan sida: tvyada, idaacadaha, mareegaha ka qayb
qaatay baahinta iyo tebinta kulan cilmiyeedka, waxaan kale oo u mahad naqaynaa
dhamaan dhinacyadii kaqayb qaatay taaba gelinta iyo qabsoomida kulan cilmiyeedka.
Gunaanad :
Culimadu waxay eebe uga baryayaan umada Soomaaliyeed in alle waafajiyo
kutoosnaanta diintooda, ilaalinta midnimadooda, iyo xoojinta walaal nimadooda
Culumada Baaqa soosaaray
1. Shiikh Daahir Aw Cabdi
2. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf
3. Shiikh Maxamuud Maxamed Xalliike
4. Shiikh C/raxmaan Maxamed Dhowre (Bukhaari)
5. Shiikh Fu,aad Maxamuud Xaaji Nuur
6. Shiikh Xasan Xuseen Axmed
7. Shiikh Faarax Maxamed Cajab
8. Shiikh Axmed Maxamed Siciid
9. Shiikh Yuusuf C/casiis Maxamed
Xafiiska Bosaso