Garowe(pp) Qaar ka mid ah ciidanka booliska Gobalka Nugaal gaar ahaan qaybta Garowe ayaa waxay lacag gaaraysa $700 ugu deeqeen dhismaha buundada Midigar oo run ahaantii halbowle u ah isku xirka ganacsiga dalka.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal,Taliyaha ciidanka booliska Puntland iyo Gudoomiyaha guddiga loo xilsaaray dhismaha buundada ayaa goob joog ka ahaa munaasibadii uu taliyaha ciidanka Gobalka Nugaal lacagta ugu wareejiyay guddiga howsha qaabilsan.
Taliye Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa tilmaamay inay aad yar tahay lacagta ay dhismaha buundada ugu deeqeen balse ciidanku ay ka mid yihiin dadka ugu mushaharka yar isla markasna u baahan in hormarintooda kor loo qaado.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali Ciise ayaa dhankiisa sheegay inay lacagtani wax tar u tahay dhismaha buundada.
Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf Gudoomiyaha Gudiga dhaqaale aruurinta Buundada Mindi-Gar wuxuu aad u amaanay Ciidanka Puntland gaar ahaan kuwa qaybta Gobolka Nugaal wuxuuna sheegay in lacagaha yar oo ay ciidanku bixiyaan ay ka khayr iyo barako badan tahay kuwa dhiiba lacagaha badan, wuxuu kaloo tilmaamay in ay kudayasho mudan yihiin talaabada ay Ciidanku qaadeen.
Taliyaha ciidanka Booliska dowladda Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa dhankiisa balan qaaday inay dhaqaale ugu yaboohi doonaan dhismaha Buundadaan Midigar.
Dhismaha Buundada iyo goobo kale oo ay roobabkii sanadkii hor saameeyeen ayaa la sheegay in lagu dhisayo qiyaas ahaan lacag gaaraysa hal Malyan taasoo dowladda,dhexe,shacabka iyo hay’addaha caalamiga ah ay iska kaashanayaan.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe