Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka Amniga Puntland oo tagay Tukaraq ee G.Sool

$
0
0

Wasiirka wasaradda Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore oo ay la socdaan Taliyaha ciidanka Booliska iyo ku xigeenkiisa ayaa shalay u tagay ciidanka difaaca kaga jira Deegaanka Takaraq ee dhanka magalada Laascaanood.

20140418_093945Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee la socotay ayaa xalay ku hoyaday deegaanada ay ciidanka Puntland kaga sugan yihiin Tukaraq,waxayna tilmaameen inay muhiim tahay in ciidanka Difaaca Puntland la dhiirigaliyo oo xaalad kasta ay ku sugan yihiina laga war qabo.

Wasiirka Amniga Aloore ayaa muujiyay inuu ka go’an yahay sidii ciidamada kala duwan ee Puntland looga war qabi lahaa isla markasna looga shaqayn lahaa tayadooda ciidan-nimo.

20140418_093907Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa ku ammaanay ciidanka sida kartida leh ee ay har iyo habeen ugu soo jeedaan ilaalinta nabadgalyadda Puntland.

Socdalka masuuliyiintan ay maalinkii shalay ku tageen goobaha ciidanka difaaca kaga sugan yihiin Tukaraq ayaa qayb ka ah dar-dar galinta dadaalada lagu doonayo in lagu difaaca xaduudaha Puntland.

20140418_100031Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>