Gaalkacyo(pp) Madaxwaynaha Puntland DR.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Jariibay ee Gobalka Mudug.
Wafdiga madaxwaynaha ayaa habeenimadii xalay ku hakaday deegaanka Balle-busle oo hoos timaada Jariiban waxayna saakay halkaa kasii bilaabeen inay sii wadaan socdaalkooda ku aadan u guur-galida xaaladaha kala duwan ee shacabka ay ku nool yihiin.
Madaxwaynaha ayaa lagu wadaa inuu shirar kala duwan la qaato qaybaha shacabka Jariiban isla markasna uu kala hadlo baahiya degmada ka jira iyo sida ay u nool yihiin.
Faah faahin iyo sawirro goordhow filo.
Puntlandpost.com