Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shir Ammaanka Dalka looga hadlayo oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

$
0
0

Muqdisho(pp) Shir Ammaanka iyo xoojinta la-dagalanka kooxda Alshabab looga hadlayo ayna soo qaban qaabisay wasaradda Amniga ayaa maanta ka furmay magalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka la yiraahdo Jazeera.

Madaxwaynaha Dowladda dhexe ee Somalia.wasiiro,dadwayne aad u faro badan oo culimo iyo haween isagu jira iyo saraakiil beesha caalamka ka socda ayaa kasoo qayb galay.

Xasan Shiikh Maxamuud madaxwaynaha DF oo furay ayaa sheegay ahmiyadda ugu wayn ee shirkan inuu yahay sidii ammaanka looga wada shaqayn lahaa isla markasna cadowga la isaga difaaci lahaa.

Amniga ayuu sheegay Xasan Shiikh Maxamuud inuu yahay furaha nolashad,haddii aan amniga la helina aysan nolal iyo hormar la gaari karin,waxa uu dhinacyadii kasoo qayb galay ka codsaday inay si hufan oo daacad-nimo ku jirto ammniga looga hadlo.

Mudo saddex cisho ah ayuu soconayaa shirka dhamaadkiisa ayaa laga soos aarayaa qodobo la isku raacsan yahay.

Inkastoo shirkan uu ka horeeyay mid sanadkii hore dhacay oo ay kasoo baxeen go’aamo wax ku ool ah balse aan la dhaqan galin.

18 17 16 15 14 13 12 11 10 9 8 7 5 4 6 3 2 1


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>