Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ciidan iyo gaadiid dagaal oo Somaliland kasoo goostay ayaa Garowe lagu soo dhaweeyay (Sawirro&Cod)

$
0
0

Garowe(pp) Laba gaari oo ah nooca dagaalka iyo ciidan ka badan 100 ayaa kasoo goostay mamulka Somaliland kuwaasoo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa deegaano ka tirsan Gobalka Sanaag.

Ciidanka oo saakadii hore laamiga kasoo fuulay degmada Carmo ayaa maanta waxay usoo dhaqaaqeen dhanka caasumadda Puntland ee Garowe waxana duleedkeeda uga hortagay oo kusoo dhaweeyay mamulka Gobalka Nugaal iyo saraakiil ka tirsan kuwo ammaanka dowladda Puntland.

Gaadiidkan dagaal iyo ciidanka waxaa horkacayay Sarreeye Guuto Maxamed Saalax Tusbaxle oo lagu sheegay inuu yahay Taliyaha aaga bari ee Gobalka Sanaag uga qaabilsanaa mamulka Axmed Siilaanyo.

Waxaa la socday labo isku duwe oo Somaliland u qaabilsanaa Gobalka Sanaag.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland Cabdirisaaq Muuse Maxamuud (Ajuuke) oo warbaahinta duleedka magalada Garowe kula hadlay ayaa sheegay ciidankan iyo gaadiidka dagaal ee Somaliland kasoo goostay inay tahay mid dhankooda kasoo go’day isla markasna ay soo dhawaynayaan oo ay ku faraxsan yihiin.

Waxa uu sheegay inay magalada Garowe u keeneen in ay ka mid noqdaan ciidanka Puntland maadama ay sheegeen inay kasoo tageen si xoriy leh mamulka Hargaysa.

Masuulka ciidankan hoggaaminaya oo la yiraahd Sarreeye Guuto Maxamed Saalax Tusbaxle ayaa sheegay sababta ay Somaliland iga soo goosteen inay tahay daruufo iyo oofinta balanqaadyo mamulka Somaliland.

Waxa uu sheegay ciidanka qaarkood inay ku sugan yihiin xarumahoodii balse qayb ka mid ah oo ku dhow afar Askari ay soo raaceen.

Ma ahan markii ugu horaysay oo ay ciidamo ka socda mamulka Somaliland ay dhanka Puntladn usoo goostaan,balse arrintaan ayaa dabo socota ka dib markii maalmihii ugu danbeeyay uu sii xoogaystay muran dhuleedka u dhaxeeya mamulka Somaliland iyo Puntland.

DSC04961 DSC04967 DSC04968 DSC04973 DSC04977 DSC04988 DSC04989 DSC04991 DSC04999 - Copy DSC05000 DSC05003 DSC05012 DSC05018 DSC05024 DSC05029 DSC05032 DSC05036 DSC05037

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>