Haddaanu nahay jaaliyadda reer Maakhir ee reer Puntland ,odaayaasha, wax garadka,aqoon yahanka,dhalinyarada, iyo haweenka ku nool wadanka Sweden, gaar ahaan magaaladda Göteborg iyo Örebro, Waxaanu go’aansanay inaanu ka qayb qaadano wadada laga dhawaajiyey in laga bilaabo Bariga magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag illa wadada laamiga ah ee Bossaso.
Haddaba maxaa la gudboon Jaaliyadaha Puntland
Waxaa la guddboon meel kasta oo ay joogaan guddo iyo dibaddba inay ka qayb qaataan dhismaha Wadadaas oo muhimadd gaar ah u leh reer puntland iyo reer Maakhirba.
Waxaanu raja wayn ka qabnaa in Jaaliyadaha qorba joogta ah ee reer Puntland inay taageeraan isla markaana si wadajir ah uga qayb qaataan, sidii looga midha dhalin lahaa ujeeddada laga leeyahay Wadadaas iyo horuumarka ay keeni karto mustaqbalka.
Waxaanu ku faraxsanahay oo hada muuqata in qalabkii loogo tala galay dhismaha Wadadaas waxa la diyaariyey qaybtood ,oo qaybtii ugu horaysay laga dejiyey Dekeda Bossasao.
Aad baanu u soo dhowaynanaa waxaanu lagarab taaganahay hiil iyo hooba , waxaanu ku boorinaynaa jaaliyadaha Maakhir inay ka qaybaataan hawshaa iyo hirgelinteeda,
Walaahu weliyu tawfiiq,
Waad Mahadsantihiin
Qore: Xuseen Cakaara
Puntlandpost.com