Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Deg deg :Madaxwaynaha Puntland oo kala diray Gollayaasha deegaanka Jariiban & Galdogob

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa goor dhawayd degmada Jariiban kaga dhawaaqay inuu kala diray xubnihii gollayaasha deegaanka ee Degmooyinka Jariiban iyo Galdogob.

GaasArrintaan ayuu ku saleeyay inay qayb ka tahay isbadalka uu ku doonayo inuu ka hirgalo deegaanadda Puntland iyo balan qaadkii ahaa in hormar iyo cadaalad dalka lagu dhiqi doono.

Shir uu saaka la qaatay waxgaradka iyo mamulka Jariibay ayuu ku sheegay madaxwayne Gaas inay ka go’an tahay sidii dadka Puntland cadaalada u wada gaari lahayd isla markasna loo heli lahaa mamul ay dadku lee yihiin sida dhismaha gollayaasha deegaanka oo la doonayo inay dadka si cadaalad ah ugu addeegaan.

Mudo ka yaran afar maalmood ayuu madaxwayne Gaas ku baaqay in lagu soo dhiso gollayaasha degmooyinka Jariiban iyo Galdogob oo ka wada tirsan Gobalka Mudug si howlaha horyaala iyo waajibaadkooda u gutaan.

Waxay kusoo aadaysaa kala dirista gollayaasha deegaanka ee labadaasi Degmo ka dib markii maalmo ka hor magalada Gaalkacyo oo ah xarunta Gobalka Mudug ay yeelatay golle deegaan oo dhalinyaro u badan.

Gobalka Mudug ayaa ka mid ah meelaha aysan sida aadka ah uga hirgalin barnaamijyadda hormarka waxana arrintaasi u sababa isbaarooyin faro badan oo Gobalka kusoo batay iyo degmada Gaalkacyo oo aan mudo saddex sano ah lahayd golle deegaanka balse hadda yeelatay.

Madaxwaynaha iyo wafdiga la socda ayaa lagu wadaa maanta inay dib ugu soo laabtaan magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug.

Puntlandpost.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>