Garowe(pp) Mamulka Gobalka Nugaal ayaa maanta ka digay in magalada Garowe lagu qabto shirar ka dhan ah dowladda oo aan wanaag iyo hormar soo kordhin karin.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga waan-toobo waxyaabaha uusan illaahay raali ka ahayn isla markasna iska horkeeni kara dowladda iyo shacabka.
Waxa uu tilmaamay Cabdiqani oo shir ammaanka Gobalka looga hadlayay oo Garowe ka dhacay ka qayb galay inay tilaabo ka qaadi doonaan cidii shirar uusan mamulku ka war hayn ku qabato Hoteelada Garowe.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal ayaa shacabka ka codsaday inay mamulka kala shaqeeyaan hormarinta iyo adkaynta ammaanka Gobalka.
Dadka diinta caaya iyo kuwa sida xun u isticmaala waxyaabaha maanka dooriya ayuu tilmaamay Gudoomiyaha Gobalka inay tilaabo ka qaadi doonaan.
Puntladpost.com
Xafiiska Garowe