Gaalkacyo : (pp)- Agaasimaha Hay’adda wadooyinka Puntland ee (Puntland High-way Authority) Mudane Maxamuud C/nuur Aadan iyo wafdi balaaran oo uu horkacayo ayaa maanta qiimeyn ku soo sameeyay wadada dheer ee laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe.
Agaasimaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyay Injineero iyo khubaro ka tirsan Hay’adda PHA, waxayna xubnaha wafdiga Agaasimuhu ka soo amba baxeen magaalada Garowe ee caasimada Puntland.
Safarkan oo ah kii ugu horeeyay ee uu Agaasimaha Hay’adda wadooyinka Puntland uu kusoo maro wadada u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Garowe ayaa wuxuu kormeer kusoo kala bixiyay meelaha laamigu ka burbursan yahay, meelaha u baahan in la dayactiro iyo meelo ka mid ah laamiga oo ay horey u dayactirtay hay’adda PHA.
Agaasimaha Hay’adda wadooyinka Puntland ayaa wuxuu warbixino uu ka dhageystay Injineer C/rashiid Bulxan oo ka tirsan Hay’adda, kaasi oo horey ula socday meelaha wadada laga hagaajiyay iyo meelaha u baahan in wax laga qabto hadda.
Xubnaha wafdiga Agaasimaha markii ay soo gaareen magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa si wanaagsan magaalada loogu soo dhoweeyay, waxaana soo dhoweyntaasi ka qeybgalay Gudoomiyaha degmada Burtinle Mudane Liibaan Khaliif, waxayna wafdiga Agaasimuhu booqdeen qeyb ka mid ah wadada laamiga ah ee dhexmarta Burtinle oo uu dayactir ka socday.
Intaa kaddib ayaa Agaasimaha iyo wafdigiisa waxay kulan la qaateen Waxgaradka, Culimada, Ganacsatada, Xildhibaanada Golaha Deegaanka degmada iyo masuuliyiinta maamulka degmada Burtinle, waxayna uga warameen ujeedka safarkooda.
Agaasimaha Hay’adda PHA Mudane Maxamuud C/nuur Aadan ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta ay u sameeyeen masuuliyiinta degmada Burtinle, wuxuuna Agaasimuhu ka mahad celiyay dayactirka wadada laamiga ah ee Burtinle, isagoona maamulka degmada Burtinle u balan qaaday in ay ka saacidi doonaan dhinaca farsamada isla markaana degmada ay u soo diri doonaan khubaro talo ka siisa dayactirka wadada laamiga ah ee Burtinle.
Gudoomiyaha Degmada Burtinle Mudane Liibaan Khaliif ayaa ka mahad celiyay imaatinka wafdiga Agaasimaha Hay’adda PHA, wuxuuna Gudoomiyuhu sheegay in ay tahay markii u horeysay ee masuul ka socda Hay’adda PHA uu yimaado Burtinle isla markaana uu maamulka iyo dadweynaha la kulmo, wuxuuna codsaday in hay’adda PHA ay taageerto maamulka degmada Burtinle.
Agaasime Maxamuud C/nuur iyo Injineerada Hay’adda wadooyinka Puntland ayaa waxay soo mareen wadada aadka u burbursan ee u dhaxeysa degmooyinka Xarfo iyo Burtinle, wuxuuna Agaasimuhu wareystay qaar ka mid ah dadka rakaabka ahaa ee wadada ku safrayay iyo qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka wadadaasi isticmaalayay.
Gelinkii dambe ee maanta ayuu Agaasimuhu soo gaaray Gaalkacyo, waxaana la filayaa maalmaha uu joogo in uu kulan la qaato Ganacsatada, Masuuliyiinta Maamulka gobolka Mudug iyo qeybaha bulshada gobolka Mudug oo uu kala hadli doono arimaha dayactirka wadada laamiga ah iyo dhismaha wadada wadaagsin.
puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Gaalkacyo