Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

QM oo saluug ka muujisay ammaanka ajaanibta Somalia ku sugan

$
0
0

Muqdisho(pp) Tan iyo markii magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug horaanta bishaan lagu dilay labo shaqaale oo ka tirsan hay’adda UNODC ayaa waxaa soo baxaya walaaca ay beesha caalamka ka muujisay Ammaanka Dalka.

kay-nicolasErgayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Nichalos Kay ayaa saluug ka muujiyay dilalaka soo badanaya ee lagu bartilmaamaysanayo dadka wax ku oolka ah ee Somalia.

“Waxaa welwel wayn iga hayaa in amaanka shaqaalaheena dhaawac xoogan soo gaaro taasoo sababi karta in aan guud ahaan ka baxno Somalia” ayuu yiri Kay oo ka hadley xarunta cilmi baarista nabada ee ku taal Washington USA.

Waxa uu hadalka Masuulkan imaanayaa xili maalin ka hor magalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia,iyadoona maalinkii kasii horaysana la dilay xildhibaan kale.

Kay ayaa sheegaya inuu ka xun yahay dilaka labada Xildhibaan oo ay ka danbaysay kooxda Islaamiga ah ee Alshabab.

Madaxwaynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tilmaamay inay soo hagaagayso xaalada ammaan ee dalka balse waxaa rajo xumo laga muujinayaa shirarka nabadgalaydda looga hadlo ee Muqdisho lagu qabto.

Gudoomiyaha guddiga difaaca baarlamaanka Somalia ayaa gollaha xukumadda Somalia ugu baaqay inay masuuliyad iska saaraan ammaanka masuuliyiinta dowladda.

Shaqaalaha Ajaanibta ah ee ku sugan magalada Muqdisho ayaa looga digay falalka qaraxyadda iyo dilalka tooska ah ee ka imaanaya dhanka kooxda alshabab,iyadoona safaaradaha dalalka Reer Galbadeedka ay bilaabeen dadaalo kala duwan oo shaqaalahooda Soomaaliya lagu difaacayo.

Xigasho-Puntlandtoday.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>