Bosaso(pp) Xaflada Daahfurka Barnaamijka Waxbarashada oo ah mashuuc ee ay dowlada Hindiya ugu deeqday 53 dal oo afrikan ah oo ay ku jirto dalkeena soomaaliya ayaa lagu qabtay Hotel Juba ee Bosaaso iyadoo ay Goobjoog ka yihiin masuuliyin ka socday Puntland Madaxda Jaamacadaha Qaar eek u yaala Bosaaso Ardey Ganacssato Haween iyo Qeybaha Bulshada.
Mashruuca La daahfuryay ee Pan African E-Network yaa waxaa horey loogu soo qabtay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe.
Munaasabada oo ahayd mid balaaran waxaa ugu horayn daah furay Maxamed Xasan Suleyman Gudomiyaha Vision International Collage waxaana uu sheegay in mashruucan Pan African E-Network ey Vision International Collage ay fududeyneyso mashruucan Pan African E-Network qeybihiisa Boosaaso iyo magaaladda Garoowe.waxaana uu intaasi ku daray in la kordhiyey laba sano ayna ka qalan jebiyeen ku dhawaad 124-arday. ….’’’ 2009 ilaa 2014 waxaa ka qalanjebisay 124-arday mudadaas,waxayna xarunta ugu weyn kutaalaa magaaladda Gaalakacyo ee xarunta gobolka Mudug…’’ayuu yiri Maxamed Xasan Suleymaani
Isxaaq Axmed Muuse Xiriiriyayaha PAN AFRICAN E NETWORK ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in mashruucan uu yahay mid qaran oo loogu talagalay Soomaaliya oo dhan ayna kusoo qabteen magaalooyinka Garoowe,Gaalkacyo hadana ku qabanayaan Boosaaso.
Wasiirka Kaluumeysiga ee Puntland C/nuur Cimi Biindhe oo xaflada ka hadlay ayaa Amaanay Qorshahan Waxbarasho ee PAN AFRICAN E NETWORK oo ay dowlada India ugu deeqday Dalka Soomaaliya kaasi oo Waxbarashada lagu qaadanayo hab Online ah Jaamacado ku yaala Dalka India,waxaana uu ku booriyaya ardayda reer puntland in ey ka faa’iidaystaan fursadaan waxbarasho ee qaaliga ah
Saciid Aadan oo ah Mid ka mid ah Ardeyda Wax ku bartay Nidaamka oo ka mid ah Tiro yar oo soomaali ah oo ka faaiideysatay ayaa ka hadlay Xaflada waxaana uu timaamay in wax yaabo badan ey ka faa’iideen mashruucan.
Maxamed Faahiye oo ka socday Jaamacada Bariga Afrika ayaa Tilmaamay Qorshan Waxbarasho ee Online –ka ah inuu yahay Mid muhiim ah oo wax badan laga kororsan karo gaar ahaan waxbarashada Sare ee Jaamacadaha , waxayna ballanqaaday in ey kalsa shaqaynayaa isla markaana ay tahay arin muhiim ah ay u baahanyihiin ardeyda Jaamacadaha dalka baxay
Intii ay socodtay Furitaanka Mashruuca PAN AFRICAN E NETWORK waxaa Baqtiyaa nasiib ku helay Waxbarashada Jaamacadaha Dalka india Ardey ka mid ah ka soo qeybgalayaasha oo ka socday Jaamacada Boosaaso ka dib markii Warqado Nasiib ah loo tuuray isaga iyo 8 ardey oo kale
Hoose Ka dhaawo Sawiradii iyo Khudbadii Laga jeediyaya Munaasabadan
Cabdinaasir Daacad
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaos