Garowe(pp) Sida uu sheegay wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) iyo madax ka socota Somaliland ayaa ku shiray magalada Addis ababa ee xarunta Dalka Itoobiya.
Inkastoo uu shirkaasi ahaa mid qarsoodi ah haddana Somaliland waxay sheegtay inay ka wada hadleen arrimaha xaduudaha iyo xaalada kasoo cusboonaatay Gobalka Sool maadama ay halkaasi dhaq-dhaqaaqyo ciidan ay Somaliland ka wado.
Maxamed Biixi ayaa sheegay inay cadahay xaduudaha Somalland isla markasna ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo danaha walaalnimo iyo ka shaqaynta nabadgalyadda.
Madaxda Puntland ayaa horay u sheegay Somaliland inay garab iyo gaashaan siiso saraakiil ka tirsan kooxda Alshabab ugana soo gudba dhanka Somaliland dhanka buuraha Galgala.
Puntland ilaa iyo hadda kama aysan hadlin dhawaaqa kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.
Puntlandpost.com