Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Danyarta ku nool magalada Garowe oo laga wacyi galiyay daabulka dadka iyo ganacsiga (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Guddiga sare ee la-dagalanka daabulka iyo ganacsiga dadka iyo tahriibka Puntland ayaa maanta kulan wacyi galin ah u qabtay Qoysaska danyarta ah ee ku nool kaamka la yiraahdo Jilab oo magalada Garowe kaga yaala dhanka bari.

Guddigan oo ay ku midaysan yihiin wasiiro,garoonka oo garab ka helaya Hay’adda ka hortaga daabulka iyo ganacsiga Dadka”IOM” ayaa qoysaska u sheegay inay muhiim tahay sidii looga hortagi lahaa dadka sida qaldan loogu shaqaynayo isla markasna hadhow xaqoodii loo diidayo,iyo joojinta dabuulka caruurta iyo dumarka.

Kulankan wacyi galinta ah waxaa kasoo qayb galay wasiirka Haweenka Puntland,Agaasimaha guud ee wasaradda Amniga,Sarkaal ka socda Garsoonka iyo Hay’adda IOM.

Xaafada Jilab dadka ku nool ayaa loo iftiinshay sida ugu habeen ee looga hortagi karo dadka ka ganacsada daabulka iyo sidii looga hortagi lahaa tahriibka oo sanooyinkii danbe kusoo badanayay Puntland.

Agaasimaha guud ee wasaradda amniga Cawad ayaa sheegay inay xili kasta diyaar u yihiin sidii looga hortagi lahaa falalka ka dhanka ah dabuulka dadka sida haweenka iyo caruurta wuxuna shacabka Jilab sheegay in looga baahan yahay inay mamulka la shaqeeyaan si arrimahan looga hortago.

Sarkaal ka socda Hay’adda QM u qaabilsan ka hortaga daabulka iyo ka ganacsiga Dadka ee IOM Cumar Maxamed Axmed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay kala duwan yihiin Tahriibta iyo dabuulka dadka ayna yihiin labo arrimood oo dhibaato ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Cumar ayaa sharaxaad ka bixiyay Daabulka iyo ka ganacsiga wuxuna sheegay inay tahay mid dadka lagu qaldamaya oo loogu sheekaayo hawo aduun iyo raaxo aduun balse hadhow ay dhibaato iyo nasiib daro ay ka raacdo wuxuna ka wacyi galiyay inaysan dadku qaadan balan qaad been ah oo aan la aminin.

Wasiirka Haweenka Puntland Aniso Xaaji Muumin ayaa sheegtay inay muhiim tahay sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka haweenka iyo caruurta kasoo gaara daabulka iyo tahriibta oo dhibaatooyin xanuun badani ay kala kulmaan.

Waalidiinta ayay ugu baaqday inay la socdaan caruurtooda si looga hortago falalka saamaynta qoyska ku reeba.

Guddigan oo ah mid ku howlan ka hortaga daabuulka dadka iyo tahriibta ayaa sidan oo kale kulan ugu qabtay shacabka magalada Garowe.

IMG_0533 IMG_0534 IMG_0535 IMG_0536 IMG_0537 IMG_0538 IMG_0539 IMG_0540 IMG_0541 IMG_0542 IMG_0543 IMG_0545 IMG_0546 IMG_0547 IMG_0548 IMG_0549 IMG_0550 IMG_0551 IMG_0552 IMG_0557 IMG_0561 IMG_0567 IMG_0574 IMG_0579 IMG_0594 IMG_0596 IMG_0598 IMG_0600 IMG_0602 IMG_0603 IMG_0610 IMG_0612 IMG_0618 M

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>