Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ciidanka Bosaso oo gacanta ku dhigay dad Alshabab lagu eedeeyay (Sawirro)

$
0
0

Bosaso(pp) Ciidanka Ammaanka magalada Bosaso ayaa ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan dad looga shaki qabo inay ka tirsan yihiin kooxda Alshabab oo hormarka iyo ammaanka dalka caqabad ku ah.

8Howlgal ay ciidanku qaadeen ka dib markuu fashilmay qarax ay ALshabab la damac sanayd inay magalada Bosaso ka fuliyo ayaa waxaa gacanta lagu dhigay 12-ruux oo ay saddex haween yihiin kuwaasoo looga shaki qabo inay falkan qaraxa ah qayb ka ahaayeen.

Taliyaha ciidanka Booliska Gobalka Bari ayaa saxafada usoo bandhigay dadkan iyaga ah waxana ku weheliyay Gudoomiyaha Gobalka Baro,kan degmada iyo La-taliyaha wasaradda Amniga oo horayna u ahaa wasiir ku xigeen Amniga Cabdijimaal.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Bari Cabdiraxmaan Cali Xusseen Muslim ayaa sheegay ciidanku inay Xalay ka war hellaan qarax magalada ka dhacay howlgal la sameeyayna lagu soo qabtay dadka maanta lasoo bandhigay oo mid ka mid ah uu dhaawac kasoo gaaray qaraxii Xalay oo fashilmay.

Maxkamadda ayuu sheegay in lasoo taagi doono dadkaan oo caqabad ku ah Amniga Gobalka Bari.

Muslim ayaa sheegay ciidanku inay har iyo habeen ku howlan yihiin sidii amaanka loo sugi lahaa gacantana loogu soo dhigi lahaa kooxda Nabad-diidka ah.

La-taliyaha wasaradda Amniga Cabdijamaal Cismaan ayaa sheegay sababta dadkan warbaahinta loogu soo bandhigay inay tahay in bulshadu ay ogaato in kooxda Alshabab Puntland ay dagaal culus kula jirto.

Inkastoo mamulka Puntland uu Somaliland ku eedeeyo inuu garab ku siiyo Alshabab inay dhanka Sanaag kasoo gallaan haddana waxaa muuqda Puntland inay diyaar u tahay iska caabinta weerar kasta oo dhanka Alshabab kaga yimaada.

Mid ka mid ah dadkii ciidanku ay gacanta ku dhigeen ayaa sheegtay inuu Alshabab ka tirsan yahay howsha ay wadeena ay tahay Jihaad.

Si kastaba howlgalkan ay ciidanka ammaanka qaadeen ayaa ah mid ay soo dhaweeyeen shacabka Gabalka Bari.

1 2 3 4 5 5 6 7 9 10 11 12 13

Puntlandpost.com

Xafiiska Bosaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>