Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Askari lagu laayay magalada Kismaayo iyo baaritaano socda

$
0
0

Kismaayo(pp) Ammaanka magalada Kismaayo ayaa caawa si wayn loo adkeeyay ka dib markii xalay magalada lagu dilay saddex Askari oo ka tirsan kuwa mamulka KMG ah ee Jubba.

Magaalada-Kismaayo-Jubbada-Hoose

Askartan la laayay ayaa la sheegayaa in lagu dilay Xaafada Via-Afmadow ee magalada Kismaayo sida ay xaqiijiyeen dad goobta ku sugnaa,balse ciidanka ayaa ilaa iyo hadda wada baaritaano xoogan oo xitaa wararka soo baxaya ay sheegayaan in dad loo qab qabtay.
Mamulka Jubba iyo laamaha ammaanka wali kama aysan hadlin dilka loo gaystay Askari ciidanka Jubba ka tirsan,balse magalada Kismaayo ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay dilalka tooska ah iyadoona maalmo gudahood afar askari magalada lagu dilay.
Kooxdii dilka askarta gaysatay ayaa durbada goobta isaga cararay.
Puntlandpost.com
Xafiiska Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>