Muqdisho(pp) Fadhiga baarlamaanka dowladda dhexe ee Somalia ayaa waxaa maanta qayb ka ahaa war bixin uu soo gudbiyay guddiga gaadiidka baarlamaanka kaasoo salka ku haya heshiiska Xukumadda DF ay la gashay Shirkada mamusho Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee la yiraahdo Favori.
Gudoomiyaha guddiga gaadiidka Baarlamaanka Somalia Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa fadhiga maanta kasoo jeediyay war bixin ka hadlaysa sida uu sharci daradda u yahay heshiska Xukumaddu la gashay Shirkadda laga lee yahay dalka Turkiga ee doonaysa inay casriyayso Airpost-ka Aadan Cadde.
Waxa uu sheegay xildhibaankaasi inuu heshiiska ay wada gaareen Df iyo shirkadda Favori uu ka hor imaanaya dastuurka KMG ah ee dalka sidaasi darteedna la horkeeno heshiiska fadhiga baarlamaanka si loo cadeeyo meelaha uu ka qaldan yahay.
Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliya sharciga dalka u degsan wax kasta oo ka hor imaanayana banaanka la isaga tuuro.
Xukumaddii hore ee baarlamaanku uu kalsoonida kala noqday ee Cabdi Faarax Shirdoon ayaa heshiiska la gashay Shirkadda Favori iyadoona booska kala baxday Shirkadii horey u maamuli jirtay garoonka ee SKA.
Shirkada Favori ayaa hadda ku mashquulsan dib u dhiska iyo qurxinta garoonka diyaaradaha magalada Muqdisho inkastoo baarlamaanku uu ku tilmaamay sharci daro in lagu shaqaysiiyay.
Docda kale Afhayeenka Baarlamaanka Somalia Maxmaed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa xildhibaanada baarlamaanka ka codsaday inay howlkarnimo la yimadaan isla markasna dadaal laga muujiyo sidii loo gudi gali lahaa sharuucda lagu shaqayn doono 2016-ka.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho