Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xoolo dhaqatada iyo shacabka Bali busle oo ka cabanaya biyo la’aan soo wajahday “Sawiro”

$
0
0

Gaalkacyo (PP) Deegaanka Bali busle ee gobolka Mudug oo ah deegaan balaaran oo ey ku dhaqanyihiin bulsho u badan xoola dhaqoto iyo tuulooyinka hoos yimaada ayaa waxaa ka taagan biyo la’aan baahsan.

 

Arintan biyo la’aaneed ayaa timid kadib markii ey jabeen labo kamida ceelashii ey dadka iyo duunyada ka cabijireen kuwaasi oo ey cilad ka soo wajahda xaga bamka.

 

Haatan ayaa waxaa jira culeys badan oo dhanka biyaha ah kadib markii ey dadka iyo xoolahaba ku dhaqan deegaan iyo tuulooyinka hoosyimaada ey isugu yimaaden hal ceel oo haatan nabad qaba eyna ka wada cabaan.

 

Gudoomiyaha Deegaanka Bali busle Fu.aad Abshir ayaa ugu baaqay Dowlada Puntland iyo hey’adaha wax taageera iney la soo gaaraan gurmad dag daga si loogu hagaajiyo ceelasha ka ciladeysan.

 

Culeyska Ugu badan ee dhanka biyaha ayaa waxaa aad u dareemay dadka Xoola dhaqatada ah iyadoo lagu jiro xili kul badan uu jiro roobkii gugana la dhowrayo oo uu soo daahay

 

______

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>