Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Puntland oo laga xusay maalinta shaqalaha aduunka iyo madaxda oo ka qayb gashay (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Wasaradda shaqada,shaqalaha,dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa maanta magalada Garowe ku qabatay kulan lagu xusayo maalinta shaqalaha caalamka oo ku beegan kowda bisha shanaad.

Munaasibada oo ka dhacday aqalka gollaha baarlamaanka ayaa waxaa kasoo qayb galay ku simaha madaxwaynaha Puntland ahna madaxwayne ku xigeenka,saddexda golle ee dowladda,saraakiil ciidan iyo dadwayne kale.

Saakadii hore ayaa waxaa dadka ka qayb galaya xuska maalinta shaqalaha aduunka waxay socod kusoo sameeyay baraxada wayn ee magalada Garowe iyadoona ugu danbayntii isagu tagay hoolka Baarlamaanka.

Wasiirka shaqada iyo shaqalaha Puntland Cabdiraxmaan Shiekh Axmed Cabdallaahi oo munaasibada khudbad kasoo jeediyay ayaa tilmaamay inay ku faraxsan yahay xuska maalintan oo gaar u ah shaqalaha caalamka,wuxuxna sheegay ka wasaraad ahaan inay wadaan sidii shaqalaha Puntland loo simi lahaa si loo ilaaliyo cadaalada.

Masuulkan ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha dhanka shaqalaha ka taagan taasoo u baahan in la saxo.

Masuuliyiin kala duwan ayaa goobta ka hadlay waxyana dhamaantood fariin hambalyo ah u direen shaqalaha Puntland iyo guud ahaan-ba caalamka.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii maanta oo kale loo dhiiri galin lahaa shaqalaha Puntland oo qayb ka ah kuwa caalamka wuxuna cadeeyay inay jirto cabashooyin shaqalaha dowladda ah balse ay ku howlan yihiin sidii loo sixi lahaa arrintaasi.

Madaxda wasaradda shaqada iyo shaqalaha ayuu ku ammaanay Camay sida ay ugu heelan yihiin arrimaha loo igmaday oo ah shaqada,shaqalaha iyo dhalinyaro.

Sanad kasta maanta oo kale ayaa caalamka laga xusaa maalinta shaqalaha aduunka iyadoona ay arrintaasi bar bar socoto dhibaatooyin kala duwan oo xiliyadda shaqada shaqalaha Soomaaliyeed soo food saara iyadoona ay ugu wacan tahay dhibaatooyinka soo jiitamayay 23-kii sano ee lasoo dhaafay.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan shaqalaha dibada ka imaanaya iyadoo ay dadkii aqoonta lahaa ee Puntland ku sugnaa ay qaarkood bilaa camal yihiin.

vlcsnap-2014-05-01-12h33m40s35 vlcsnap-2014-05-01-12h33m47s106 vlcsnap-2014-05-01-12h34m09s71 vlcsnap-2014-05-01-12h34m17s151 vlcsnap-2014-05-01-12h34m26s243 vlcsnap-2014-05-01-12h34m37s95 vlcsnap-2014-05-01-12h35m28s92 vlcsnap-2014-05-01-12h35m54s96 vlcsnap-2014-05-01-12h36m02s181 vlcsnap-2014-05-01-12h36m10s3 vlcsnap-2014-05-01-12h38m46s24 vlcsnap-2014-05-01-12h38m52s85 vlcsnap-2014-05-01-12h39m00s171 vlcsnap-2014-05-01-12h39m08s251 vlcsnap-2014-05-01-12h39m16s72 vlcsnap-2014-05-01-12h39m25s165 vlcsnap-2014-05-01-12h39m41s68 vlcsnap-2014-05-01-12h39m58s236

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>