Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiir ku xigeenka waxbarashada PL oo wali kormeeraya waxbarashada Bosaso (Sawirro)

$
0
0

Bosaso(pp) Wafdi uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka wasaradda waxbarashada Puntland Dr.Maxamed Cali Faarax oo maalmihii ugu danbaysay u guur galayay waxbarashada magalada Bosaso ayaa socdaalkoodii iyo booqashadii ay wadeen waxay kusoo afmeereen labo iskuul oo ugu da’wayn magalada Bosaso.

Iskuuladaas ayaa kala ah Al-Imaam Al-shaafici oo la aasasay 1992 iyo Cumar Bina/AZIZ oo isagana la aasasay 1996 waxayna la kulmeen madaxda xarumahaasi waxbarasho iyo barayaasha dhiga oo aad u faro badan.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Maxamed Cali Faarax ayaa ammaanay waxbarashada magalada Bosaso oo uu ku tilmaamay inay tahay mid aad u saraysa wuxuna ardaydda ku dhiiri galiyay inay waxbarashada ka guul gaaraan si ay u hantaan mustaqbalka wadanka iyo dadka.

Wasiirku waxa kale uu booqday jaamacadaha ku yaala magalada Bosaso waxana laga wada hadlay baahiyaha ka jira iyo sida loo hagaajin karo tacliinta sare ee Puntland oo hada la wado samaynta guddiga tacliinta sare ee Puntland.

Masuuliyiinta ugu sareeya wasarada waxbarashada Puntland ayaa wali ku mashquulsan sidii loo hagaajin lahaa waxbarashada,wasiirka waxbarashada Cali Xaaji Warsame oo Nayroobi kula shiray Masuuliyiin beesha caalamka ka socda ayaa usoo bandhigay heerka ay waxbarashu marayso iyo sida loogu baahan yahay in halkaa laga sii qaado.

Madaxwayne Gaas oo xooga saaraya sidii tacliinta dalka u kori lahayd ayaa miinasiyadda waxbarashada waxa uu ka dhigay 7% halka ay markii hore ka ahayd wax ka yar 4%.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21

Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>