Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kullan balaaran oo looga hadlayay xaalada Somalia oo lagu qabtay magalada London (Sawirro)

$
0
0

London(pp) Kulan ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Kacdoonka ka hortaga Qabyaalada ( ATM ) isla markasna uu ka qayb galay Wasiirka arrimaha diabdda dalka UK ayaa maanta lagu qabtay martaha magalada London.

1014462_756573127706811_647289468145522485_n

Ujeedka shirkan ayaa lagu sheegay inuu yahay sidii la isaga xog waraysan lahaa xaalada Dalka iyo su’aalo waydiin loo sameeyay wasiirka Arrimaha dibaada Ingiriiska William Huge.

Huge ayaa la waydiiyay su’aalooyin ay ka mid ahaayeen xiliga AMISOM ay ka baxayso Somalia,iyo in dhaqaalaha AMISOM la siinayo lagu dhiso ciidamada qalabka sida ee Dalkeena Soomaaliya.waxaa kaloo AMISOM looga digay inay guud ahaan-ba isaga baxaan Guryaha shacabka ay lee yihiin ee sida xooga ah ugu dagan yihiin.

Dadkii kulanka ka hadlay ayaa sheegay haddii ay AMISOM qaadi waydo tilaabo ay Guryaha Islaameed uga baxayaan inay la mid yihiin kooxaha dulmiga wada ee Guryaha umadda Soomaaliyeed sida xooga ah wali ku haysa,waxayna talooyin usoo jeediyeen madaxda dalka inay arrintaasi wax ka qabtaan si dib u dhiska dalka uu kor ugu koco.

Wasiirka Arrimaha dibada Ingiriiska ayaa sidoo kale wax laga waydiiyay gumaadka Kenya ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed ee magalada Nayroobi wuxuna tilmaamay inay tahay arrin aan munaasib ahayn ayna Kenya ku dhiiri galinayaan inay xaquuqda Qaxootiga ilaaliyaan oo gabood falka laga daayo umadda Soomaaliyeed.

Shalay ayay ahayd markii Hay’addaha xaquuqda aadanaha ka hadlay ayaa soo saareen war bixin ay ku sheegayaan dowladda Kenya inay ka dhago adayg tahay in xeerarka caalamiga ah ee Xaquuqda aadanaha la sugo.

Arrimaha nidamka federaalka Somalia ayaa wax laga waydiiyay wuxuna sheegay inay hadda dalku ku jiro Mamulo dhisan oo sharci ku shaqeeya sida Puntland,Somaliland iyo mamulka Jubbaland.

Madaxda ururka Kacdoonka ka hortaga Qabyaalada ( ATM ) ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii looga wada shaqayn lahaa xaalada dalka iyo sidii Soomaalida yaacsan dalalka Shisheeya dib loogu celin lahaa deegaanadii ay kasoo jeedaan.

Kacdoonka ka hortaga Qabyaalada ( ATM ) ayaa sheegay inay ka xun yihiin falalka foosha xun ee lagu samaynayo dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan oo maalin iyo habeen lagu dhibaataynayo gudaha magalada Nayroobi.

Waxayna madaxda Kenya usoo jeediyeen inay eegaan darisnimadda iyo wada shaqaynta labada dowladeed ka dhaxaysa.

11950_756573027706821_6240688164355693558_n1506785_756571857706938_3146948504936223836_n 10251891_756573217706802_8496071819019143126_n 10271463_756573284373462_2671347311688350798_n 10339621_756573334373457_8634726229649529133_n

Maxamed Cali Dhoore
London.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>