Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Puntland oo xukun dil ah ku riday ragg ka tirsan kooxda Alshabab

$
0
0

Bosaso(pp) Ragg ku eedaysan inay ka tirsan yihiin ururka Alshabab ayaa maanta la hor keenay maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Gobalada Bari, Sanaag, Hayland, Gardafuu iyadoona saddex ka mid ah raggaasi lagu xukumay dil toogasho.

xakun-14Dadka eedaysan oo gaaraya afar qof ayaa la sheegay in dambiyo kala duwan ay ku jireen oo la xariira howlgalada iyo dilalka kooxda Alshabab.waxana lagu kala magacaabaa Daa’uud Aadan ibraahim, Xasan Xuseen Cabdi, Maxamad Cabdiqaadir Sheekh Axmad iyo Jaamac Maxamad Cabdullaahi.

xakun-2Gudoomiyaha Maxkamadda C/fitaax Maxamad Aadan oo xukunka riday ayaa sheegay ragga la xukumay oo gaaraya saddex inay falal kala duwan u hayeen kooxda Alshabab sidaasi darteedna maxkamaddu ay dil toogasho ah ku xukuntay.

Maxkamadda ayaa sheegtay Jaamac Maxamad Cabdullahi inuu dhanka sirdoonka u qaabilsanaa Alshabab,halka Xasan Xuseen Cabi lagu eedeeyay inuu isagoo alshabab ka tirsan kasoo dagaalamay duleedka magalada Muqdisho gaar ahaan halka loo yaqaan Ceelasha biyaha,waxana sidoo kale maxkamaddu ay dil ku xukuntay Cabdiqaadir Sheekh Axmad oo la sheegay inuu Alshabab ka tirsan yahay.

xakun-1Dacwada Eedaysanaha afaraad oo lagu magacaabo Jaamac Maxamed Cabdilaahi ayaa dib loo dhigay waxana la sheegay in moobilkiisa laga soo helay deegaanka Suruge oo kooxda Alshabab ay weeraro ka samaysay.

Ciidanka Ammaanka magalada Bosaso ayaa dhowaan gacanta kusoo dhigay 12-qof oo saddex ka mid ah ay haween yihiin kuwaasoo lala xariirinayo inay Alshabab ka tirsan yihiin ka dib markii ay ciidanku ku guulaysteen inay soo qabtaan qarax fashilmay oo lala damacsanaa in magalada Bosaso laga fuliyo.

Ma ahan markii ugu horaysay oo dad lala xariirinayo Alshabab dil toogasho ah lagu xukumo hase yeeshee waxay kusoo aadaysaa xili howlgalo kala duwan uu ka socda magaalooyinka waa wayn ee Puntland sida uu dhowaan sheegay Taliyaha ciidanka Booliska Maxamed Siciid Jaqanaf.

Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>