Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

RW.Dalka “Xorriyadda Saxaafaddu waxay asaas u tahay dimuquraadiyadda”

$
0
0

Muqdisho, May 03, 2014 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta bah-weynta saxaafadda Soomaaliyeed uga hambalyey Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in dawladdiisa ay ka go’an tahay kor u qaadista xorriyada saxaafadda.

Cabdiwali

Isagoo ka hadlayey Maalinta Xorriyadda Saxaafadda ee Adduunka, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu yiri:

“Waxaan saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo dhammaan bahda saxaafadda uga hambalyeynayaa Maalinta Xorriyadda Saxaafadda ee Adduunka. Waxaan maanta ku celinayaa go’aanka xukuumaddayda ee ku aaddan difaacidda xorriyadda hadalka. Saxaafad xor ah waxa ay astaan u tahay dimuquraadiyadda, waxaana ballan-qaaday dastuurka.

“Saxafiyiintu waxa ay kaalin wax ku ool ah ka ciyaaraan arrimaha bulshada waxana ay taasi keentay in maalintan loo asteeyo Maalinta Xorriyadda Saxaafadda ee Adduunka, iyadoo la aqoonsanayey waxa ay ku biiriyeen dimuquraadiyadda iyo horumarka. Waxaan dooneynaa in saxafiyiinta Soomaaliyeed ay ku shaqeeyaan cabsi iyo eex la’aan maadaama ay qayb weyn ku leeyihiin dadaalka dib loogu dhisayo qaranka Soomaaliya iyo hay’adihiisa.

“Maanta waxaan xusuusanaynaa saxafiyiintii geesiyaasha ahaa ee naftooda ku waayey ama ku dhaawacmay iyagoo difaacaya xorriyadda qowlka ee Soomaaliya. Dawladdaydu waxa ay abuureysaa jawi ay saxafiyiinta Soomaaliyeed ku noqonayaan kuwo la difaaco, la ixtiraamo, shaqadoodana si madax-bannaan u guta.”

Dhammaad

Cabdirashiid Muuse Siciid 
Press Officer for the OPM 
Prime Minister’s Media Office 
Mogadishu, Somalia 
Tel: +252 6163 18823 
Email: media@opm.gov.so 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>