Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiiru dowladaha madaxtooyadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Pl oo la kulmay madaxda Japan (Sawirro)

$
0
0

Nairobi (pp)Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland Dr. Maxamed Cabaas Cumar ayaa magaalada Nairobi kula kulmay ku xigeenka Safiirka dalka Japan ee fadhigiisu yahay dalka Kenya oo lagu magacaabo mudane Atsushi Yonezawa. Kulanka ayaa ka dhacay gudaha safaarada Japan.

Dr Mohamed Abbas and Japan Ambassador3Bishii Maarso 2014 ayaa dowlada Japan waxay ay Soomaaliya guud ahaan ugu deeqday mucaawimo qiimaheedu yahay $40 million oo Dollar.

Haddaba kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd mid uu wasiirku kaga codsaday in dowladda Japan ay wixii mucaawimo ah ay si toos ah ugu soo gudbiso dowlada Puntland. Sarkaalkan ka tirsan safaarada Japan ayaa balanqaaday in dowlada Puntland ay si toos ah u heli doonto saamigeeda iyada oo aan la soo marin dowlada dhexe ee Muqdisho.

Safaarada Japan waxa ay sheegtay in deeqda dowlada Japan ay ugu talagashay Puntland ay u soo marin doonto hay’adaha Qaramada Midoobay. Mashaariicda ay Japan ka fulin doonto Puntland waxaa ka mid ah:

1. Magaca Mashruuca: The Somali Red Crescent Society Integrated Healthcare Programme.
Hay’ada Fulinaysa: The Somali Red Crescent Society
Waqtiga Mashruuca: 1 Maarso 2014 – 29 Febraayo 2015
Goobta Mashruuca Laga Hirgelinayo: Gobolka Nugaal, Puntland

2. Magaca Mashruuca: FAO Somalia Resilience Pillar – The Integrated Humanitarian
Resilience Approach
Hay’ada Fulinaysa: FAO (Food and Agriculture Organization)
Waqtiga Mashruuca: 20 February 2014 – 31 December 2014
Goobta Mashruuca Laga Hirgelinayo: Puntland

3. Magaca Mashruuca: Protection and Assistance to Refugees, Returnees and Internally Displaced Persons.
Hay’ada Fulinaysa: UNHCR
Waqtiga Mashruuca: 09 bilood 2014
Goobta Mashruuca Laga Hirgelinayo: Boosaaso, Garowe, Gaalkacyo

4. Magaca Mashruuca: Garowe City to Garowe Airport Road
Hay’ada Fulinaysa: UNOPS
Waqtiga Mashruuca: 1 April 2014 – 31 March 2015
Goobta Mashruuca Laga Hirgelinayo: Garowe, Puntland

Waxaa kale oo wasiirku ka codsaday safaarada Japan in ay deeqo waxbarasho u fidiso arday reer Puntland, taas oo saraakiisa reer Japan ay sheegeen in hadda aysan jirin qorshe ku saabsan xagga waxbarashada, balse in Puntland ay heli doonto saamigeeda xagaha deeqaha waxbarasho marka ay dowlada Japan ay bilowdo qorshaha ah in ay deeqo waxbarasho u fidiso Somalia.

Kulanka oo ku soo dhammaaday jawi is afgarad, ayaa waxa uu qeyb ka yahay siyaasada dowlada Puntland ee ah la sii xoojiyo xiriirka Puntland ay la leedahay beesha caalamka.

Wasiirka madaxtooyadda iyo xiriirka caalamiga Puntland ayaa nasoo gaarsiiyay.

Dr Mohamed Abbas and Japan Ambassador Dr Mohamed Abbas and Japan Ambassador2

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>