Sanca(pp) Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta madaxtooyadda Sanca kula kulmay madaxwaynaha Dalkaasi Yeman ninka la yiraahdo Abdu Rabbuh Mansur Hadi.
Labadaan masuul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo salka ku haya wada shaqaynta Puntland iyo Yeman iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dhinac u dhaxeeya.
Madaxwaynaha Puntland Gaas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay shirka ay la qaateen madaxwaynaha Yemen Abdu Rabbuh Mansur Hadi.
Yeman iyo Puntland ayaa Qunsulo u kala diraya Sanca iyo Garowe taasoo qayb ka ah waxyaabihii shirka looga hadlay.
Shirka uu la qaatay Gaas madaxda Yemen ayaa waxay noqonayaan kuwii ugu horeyay uu la yeesho madaxda Yemen tan iyo markii xilka madaxwaynaha Puntland loo magacaabay.
Puntlandpost.com