Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xaflad lagu soo afmeerayo sanad dugsiyeedkii 2013-2014 ee Iskuulka Nawaawi oo Garowe lagu qabtay (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Munaasibadaan galabta lagu qabtay Dugsiga Imaamu Al-nawaawi ee magalada Garowe ayaa waxay salka ku haysan gudoon siinta abaalmarino kala duwan oo ay mutayseen qaar ka mid ah fasaladda iyo ardaydda Iskuulka oo ku guulaystay tartamao iskoolka ka socday maalmihii lasoo dhaafay.
Tartabadaan ayaa iskugu jiray dheelista kubadda cagta,aqoonta fasalada iyo heerarka ay taagan yihiin ardaydda iskuulka hoose,dhexe iyo sare ee Nawaani dhigata,waxana kasoo qayb galay mamulka Gobalka Nugaal,masuuliyiin ka socota gudoonka waxbarashda Gobalka,waalidiin iyo ardayda dhigata iskuulka.

 

Ugu Horayn maamulka dugsiga sare ee Imaamu-Nawaawi Cabdi Daahir Abshir Maxamuud ayaa ka warbixiyay ujeedka munaasabadda wuxuna ku sheegay inay tahay mid sanad kasta xiligan la qaban jirin isla markasna dhiiri galin u ah ardayda iskuulka dhigata,wuxuna muujiyay inay muhiim tahay in ardaydu ay isku diyaariyeen galitaanka imtixaanka.
Masuulkan ayaa sheegay sanad dugsiyeedka 2013-2014 inuu yahay mid shaqooyin badan lasoo qabtay isla markasna mamulka iyo macalimiinta Iskuulka ay dhexda u xirtaan sidii ardaydda Soomaaliyeed loogu hagar bixi lahaa.
Cabdilaahi Faarax Mirre oo dhanka waxbarashada u qaabilsan hay’adda khayriga ah ee TADAMUN ayaa sheegay inay farxad u tahay in xafladan noocaan oo kale loo qabto arday tartar kala duwan gashay,wuxuna goobta ka cadeeyay Hay’adda Tadamun inay gacanta ku hayso 22-iskuul oo ay ka mid tahay Imaamu Nawaawi isla markasna ay garab istaagan yihiin ardayd gaaraysa kow iyo toban kun oo ku sugan deegaanadda Puntland.

 

Cabdinuur Daahir Garyare oo ku hadlayay magaca waalidiinta ardaydda iskuulka dhigata ayaa sheegay inay muhiim tahay dhalinyaradda in laga wacyi galiyo tahriibta maadama la galayo xiliga fasaxo oo run ahaantii ay fursado badan hellaan ardaydda.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali Ciise oo munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu mahad celinayaan madaxda iyo macalimiinta Iskuulka Nawaawi wuxuna sidoo kale u mahad celiyay Hay’adda TADAMUN oo habeen iyo maalin dhabar taagan ardaydda waxbarashada ku mashquulsan.
Munaasibadaan oo calaamad u aha sagootinka sanad dugsiyeedkii 2013-2014 ayaa waxay koox ardaydda ka mid ahi kusoo bandhigeen Riwaayad ka hadlaysa dhibaatooyinka tahriibta laga dhaxlo.

IMG_1104 IMG_1106 IMG_1114 IMG_1116 IMG_1119 IMG_1122 IMG_1125 IMG_1126 IMG_1127 IMG_1129 IMG_1131 IMG_1134 IMG_1135 IMG_1141 IMG_1148 IMG_1149 IMG_1150 IMG_1161 IMG_1171 - Copy IMG_1175 IMG_1177 IMG_1182 IMG_1188 IMG_1191 IMG_1194 IMG_1196 - Copy IMG_1197 IMG_1199 - Copy
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>