Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirada Waxbarashada Iyo Amaanka Puntland oo La Kulmay Wasiiro ka mid Ah Yemen(Sawirro)

$
0
0

Arbaca 07, 05, 2014  Wasiirka wasaarada waxbarashada ee Puntland Mudane. Cali Xaaji Wars ame ayaa kulan muhiim ah kulan kula qaatay Magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yeman Wasiirka waxbarashada ee dawladda Yemen Dr. Abdul-Razaq Yahiya Al-Ashwal oo ay weheliyaan Wasiirka Tacliinta Sare ee Yemen Eng. Hisham Sharaf Abdullah iyo Technical Education and Vocation Studies: Dr. Abul-Hafed Thabet Noaman.

19Wasiirka waxbarasahada ee Dawlada Puntland Iyo wasiirka Waxbarashada ee Dawlada Yemen ayaa si qota dheer uga wada hadlay muhiimada ay waxbarashadu leedahay ,  iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka tacliinta ee dalkaYemen iyo Puntland.

Dhinac kale wasiirka Amaanka Dawladda Puntland Xasan Cisman Alloore ayaa isaguna kulan la qaatay madaxa Amniga Dawladda Yemen iyo masuuliyiin kale oo ka socday hay’adaha amaanka ee dalkaasi Yemen.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii laamaha amaanka Puntland iyo Yemen ay u yeelan lahaayeen xiriir joogto ah si loo xakameeyo burcad-badeeda, tahriibta iyo cid kasta oo khal-khal gelin karta xasiloonida Puntland iyo Yemen.

5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta , Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>