Gaalkacyo- May 07-2014- Waxaa Habeenkii Xalay ahaa ay Raxmada Eebe ay ka Hoortay Magaalada Gaalkacyoo, ee Gobolka Mudug, iyadoona Roobka lugu diirsaday.
Raxmada Eebe ayaa Biyo dhigtay Wadooyinka Degmada Gaalkacyo, waxaanavShacabku ay aad ugu Farxeen Raxmada Eebe Xili Maalmihii ugu dambeeyay Jawiga Caasimada Gobolka Mudug uu ahaa Mid Kulul.
Kusimaha Duqa Degmada Galkacyo ahna Kuxigeenka Duqa Yacquub Maxamed Cabdalle ayaa Isla Xalay Kormeero ku tagay Goobo Muhiim ah oo ku Yaal Magaalada Gaalkacyo, isagoona Booqday Biyo Booliyo Maalmihii ugu Dambeeyay lugu Hawlanaa Furistooda iyo Sida ay Biyuhu ugali lahaayeen.
Ku Simaha Duqa Mudane Yacquub Maxamed ayaa Tagay Meelo ka mid ah xaafdaha Garsoor , Israac & Hormar Halkaas oo uu Kormeer rasmi ah ku Tagay Goobaha Buhu Fadhiyaan iyo Biyo Booliyada Magaalada kuwooda ugu waawayn Waxaana Socdaalkaan Kuxigeenka Duqa Gaalkacyo ku Wehelinayay Saraakiil ka Tirsan Dawlada Hoose Degmada & Xildhibaanada Golaha Deegaanka Xubno ka mid ah.
Yacquub ayaa intuu uu ku Marayay Kormeerka xaafdaha Kala Duwan ee Degmada Gaalkacyo ayuu Warbixino ka dhegystay Shacabka & Waliba Saraakiisha Arimaha Bulshada u Qaabilsan Degmada Waxaana uu ku dhiiro galiyay sii wadida Hawlaha Bulshada Gaalkacyo loogu adeegayo. ” waxaa Idin ku dhiiro galinayaa Hawsha aad umada u Haysaan waana tan aan
Xiligaan aan u jeclaystay inaan Iidn kal soo qaybgalo Maadaama aad Shaqaynaysaan Roobkii oo Da’aya waxaana idiin balanqaadayaa Inaan aniga & Duqa Xildhibaanada Golaha Deegaankuba Shaqada idin la qaybsano” Ayuu Yiri Ku xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo.
Dhinaca kale Mar uu Bulshada Fariin u dirayay ayuu ugu Baaqay inay Hawlaha Socda ee Magaalada Wax looga Badalayo ka qaybgalaan, waxaana uu inatasi raaciyay Inay Gaalkacyo Waddaii Hormarka Cagta Saartay.” Bulshadu Hadii ay arki Jireen Sacado kooban oo Maalinta laga Shaqeeyo
Waxaan ugu Bishaaraynayanaa aniga & Duqa iyo waliba Xildhibaanaduba Waxaan Diyaar u nahay inaan Shaqayno 24 Saac waxaana ku rajo waynahay in aad idinkuna nala shaqaynaysaan Sida Gaalkacyo ula Tartanto Magaalooyinka Kale ee Puntland & guud ahaanba Dalka,, Ayuu yiri Yacquub oo hadalkiisa sii wata.
Waa Markii ugu Horaysay Inta la ogyahay oo Maamulka Degmada Gaalkacyo ay Xili Habeen ah ka qaybgalaan Olale Socda kaas oo Biyaha Magaalada Meelihii ay mari Jireen lugu Furayo, Waxaana Docda Kale Shacabka Hareeraha Wadada Isticmaalaya ay ku hadaqayeen in ay soo dhawaynayaan Shaqada Socota.
—-Dhamaad—-
Xafiiska Xariirka Dadwaynaha & Warfaafinta ee Degmada Gaalkacyo