Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

SAWIRRO : Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u dhoofay Magaalada Kismaayo

$
0
0

WARBIXIN+SAWIRRO : Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3-3-2015 u ambabaxay magaalo Madaxda maamulka Jubbland ee Kismaayo.

Wasiiro katirsan xukuumada Puntland, Isimo, Xildhibaano , Waxgarad ayaa qeyb ka ah wefdiga uu hogaamaaminayo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo casumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ku sii dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad , Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan Degmada Garoowe iyo masuuliyiin kale.

” Waxaa maanta farxad weyn noo ah wefdi aan hogaaminayo oo ka kooban Golayaasha Dawladda iyo isimada Puntland in aanu u ambabaxayno magaalo madaxda Jubbaland ee kismaayo, waxaana u soconaa inaanu adkayno xiriirka u dhaxeeya labada dawladood Puntland iyo Jubbaland” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in Dawladda Puntland iyo Maamulka Jubbaland ay ku midaysan yihiin adkaynta midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed si looga baxo dhibka muddo badan soo jiitamayey ee kajira Soomaaliya.

” Dawladda jubbaland iyo madaxweyne Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaan la yeelan doonaa kulamo wada tashi ah waxana rajeynaynaa in socdaalkayagu uu ku soo dhamaado guul kana soo baxdo waxdan u ah umadda Soomaaliyeed” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

21 24 DSC00777 DSC00780 DSC00779 DSC00782 DSC00783 DSC00794


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>