Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Goldogob : Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha hay’adda wadooyinka Puntland oo gaaray Degmada Galdogob (Sawiro)

$
0
0

Goldogob: (pp)- Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Hay’adda wadooyinka Puntland ee (PHA) Mudane Maxamuud C/nuur Aadan ayaa gaaray Degmada Galdogob ee gobolka Mudug halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Waxaa Agaasimaha safarka ku weheliyay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug Mudane Axmed Muuse Nuur, Injineero iyo Saraakiil ka socotay Hay’adda PHA iyo qeybaha warbaahinta gobolka Mudug.

Saraakiisha safreysa

 

 

 

 

 

 

 

Xubnaha wafdiga ayaa ka amba baxay magaalada Gaalkacyo, waxayna sii mareen deegaanada Beyra, Bursaalax, Xera-jaalle iyo deegaano kale oo ay kula hadleen dadka deegaanka, iyagoona ka xog wareystay dhibaatooyinka ka jira wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Galdogob.

Markii ay xubnaha wafdiga Agaasimuhu gaareen magaalada Galdogob ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyay Masuuliyiinta Maamulka degmada Galdogob oo uu horkacayay Gudoomiyaha degmada Galdogob Mudane Keytoon.

Agaasimaha iyo Maamulka Goldogob

 

 

 

 

 

 

 

Kulan balaaran ayaa dhexmaray wafdiga Agaasimaha Hay’adda wadooyinka Puntland iyo masuuliyiinta maamulka degmada Galdogob, waxaana kulankaasi ka qeybgalay Taliyaha cusub ee hay’adda nabadsugida Puntland, Xildhibaan C/risaaq Geesood oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland, Taliyaha Booliska Gobolka Mudug G/sare Jaamac Axmed Maxamed, Nabaddoonada degmada, Aqoonyahanka, Culimada diinta iyo Dhallinyarada.

Dadka Goldogob

 

 

 

 

 

 

 

Agaasimaha Hay’adda wadooyinka Puntland Mudane Maxamuud C/nuur Aadan ayaa Maamulka degmada Galdogob iyo marti sharafta kulanka ka qeybgashay wuxuu uga warbixiyay ujeedka safarkooda oo uu ku sheegay in ay tahay in ay ogaadaan halka uu marayo qorshaha wadada loogu dhisayo degmada Galdogob, wadadaasi oo ah tan u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Galdogob, wuxuuna sheegay in Hay’addu ay dadka Galdogob ka taageeri doonto dhinaca farsamada iyo aqoonta inta lagu guda jiro dhismaha wadadaasi.

Kulan ka dhacay halkaas

 

 

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha degmada Galdogob Mudane Keytoon, Xildhibaan Geesood iyo Nabaddoonada qaarkood ayaa Agaasimaha hay’adda PHA uga mahad celiyay booqashada uu Galdogob ku yimid, waxayna ka codsadeen Hay’addu in ay gacan muuqata ka geysato dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Galdogob.

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Mudug Mudane Axmed Muuse Nuur ayaa dadweynaha Galdogob iyo maamulkooda uu ku booriyay in ay ka faa’ideystaan mashaariicda horumarineed.

Wuxuuna ku amaanay sida ay ugu istaageen in ay dhistaan wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Galdogob, wuxuuna sheegay in uu rajeynayo in Agaasimaha Hay’adda PHA uu shacabka Galdogob ka taageeri doono dhinaca dhismaha wadada.

Xaflada

 

 

 

 

 

 

 

Injineer C/rashiid Bulxan oo ka mid ah khubarada ka hawlgala hay’adda wadooyinka Puntland ee PHA ayaa wuxuu talo iyo tusaaleyn ka bixiyay habka loo dhisi karo wado nadiif ah, wuxuuna sheegay wixii dhinaca aqoonta iyo khibrada ku saaban in ay ka caawin doonaan dadka ku hawlan dhismaha wadada.

Kulankaa la mid ah ayuu Agaasime Maxamuud la qaatay Guddiga ku hawlan dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Galdogob, waxaana guddigaasi lagu magacaabaa HADAF, guddigaasi oo wax badan oo dadaal ah qabtay, kana shaqeynayay muddo in la dhaqaajiyo dhismaha wadada, waxayna warbixin dheer siiyeen Agaasimaha iyo wafdigiisa, waxaana halkaasi loogu balan qaaday guddiga in laga taageero doono dhinacyada farsamada, talada, aqoonta iyo wixii dhaqaale ah oo ay awoodo hay’adda PHA.

Dhismaha Wadada

 

 

 

 

 

 

Waftiga

 

 

 

 

 

 

 

 

Xarunta Goldogob

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Goldogob

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles