Minnesota: (pp)- Waxaa magaalada Minnesota lagu soo bandhigay Buug ay qortay Drs Xaawo Cabdi oo intii bur-burka dalka ka jiray ka shaqaynaysay guddaha dalka soomaaliya.
Daawo bandhiga Buuga Drs Xaawo Cabdi
Drs, Xaawo ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay in dadkii Soomaaliyeed ee isjeclaa ay bedeleen taariikhdooda, iyadoo xustay in ay indhaheeda ay ku aragtay Hooyo Soomaaliyeed oo dishay Gabar yar oo ay dhashay, iyadoo ay Drs-du sheegtay in sababta ay hooyadaasi u dishay gabadheeda ay ahayd ninka ka dhalay oo Qabiil kale oo Soomaali ah ka dhashay.
Dadkii Soomaaliyeed ee Xaflada buugaas lagu soo bandhigay ka qayb galay ayaa soo dhaweeyey la Kulanka Drs-da iyo Buugeeda, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay wada cadeeyeen in fursad wanaagsan ay u ahayd la kulanka ay la kulmeen Hooyo Drs. Xaawo Cabdi.
Kala xiriir: Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost, Minnesota , USA