Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Sheekh Bilaal Philips oo la kulmay  Ardayda Jaamacada Bariga Afrika Faraca Garowe.

$
0
0

DSC09454

Garowe (PP) Kulankan wuxuu ka dhacay Madasha Shirarka ee Jaamacada waxaana kasoo qayb galay Masuuliyiin ka socday Dowladda, Maamulka, Macalimiinta iyo dhamaan ardayda Jaamacadda Bariga Afrika Faraca Garowe waxaana lagu soo dhaweynayey Sheekh Bilal Philips.

Sheekh Bilal Philips oo ah Sheekh Jamekaan ah Diinta Islaamkana qaatay Sanadkii 1972 ayaa ka hadlay Mowduuc ku saabsan Ardayga iyo kaalinta uu ku leeyahay Diinta Islaamka.

” hadii aad si daacad ah wax u barataan qayaanada ka fogaataan alle ka cabsiga badisaan diinta ku adkaataan waa hubaal inaad isbedel ku samayn kartaan Soomaliya idinka ayeeyna Soomaaliya idin sugaysaa,aniga waxaan ahaa Kirishtaan laakiin allah ayaa sababay inaan muslin noqdo oo idin soo hor istaago sidaa darteed waxaa iga codsi ah inaan la dagaalanno musuqa dulmiga dhagarta iyo Xaasidnimada kuna adkaano waxbarashada iyo Diinteena suuban.

Maamule ku xigeenka Jaamacada Bariga Afrika faraca Garowe C/Raxmaan Ibrahim Bindiiriye ayaa ka mahadcelshay Socdaalka sheekh bilaal ee Puntland kadib markii ay Casumaad u fidisay Jaamacada Bariga Afrika si uu aqoontiisa ula Wadaago Ardayda Reer Puntland isla markaana uu heshiis ula saxiixdo Jaamacada.

Ardayda Jaamacada ee Goob jooga u ahaa kulankan ayaa sheegay in ay wax badan oo Diini iyo Maadi isugu jira ay ka faa’iideen Sheekh Bilaal waxayna balan qaadeen in ay fulin doonaan balamihii uu la galay, sidoo kale 3bil kadib ayaa la filayaa in sheekh bilaal uu dib ugu soo laabto Puntland.

DSC09434 DSC09436 DSC09437 DSC09440 DSC09441 DSC09445 DSC09448 DSC09449 DSC09451 DSC09454 DSC09455 DSC09458 DSC09461 DSC09463 DSC09465 DSC09467 DSC09469 DSC09474 DSC09475 DSC09476 DSC09477 DSC09481 DSC09483 DSC09485 DSC09486 DSC09488 DSC09492 DSC09493 DSC09502 DSC09503 DSC09505 DSC09506 DSC09514 DSC09517 DSC09520 DSC09521 DSC09523 DSC09525

Xafiiska Warfaafinta

EAU Garowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>