Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xubno ka tirsan amniyaadka Al-shabaab oo lagu qabtay Bakool

$
0
0

Xudur-(PP)-Guddoomiye ku xigeenka degmada Xudur ee gobolka Bakool Axmed Cabdi Aaden ayaa sheegay inay ciidamada dowladda qabteen xubno ka tirsanaa guutooyinka dilalka qorsheysan ee amniyaadka Ururka Al-shabaab.

Dadka gacanta lagu soo dhigay oo la sheegay iney isugu jiraan rag iyo dumar ayaa lagu soo qabtay hawlgallo baaritaanno ah oo laga sameeyay duleedka magaalada,iyagoo adeegsanaya xogo ay ka heleen shacabka halkaasi deggen.

Maamulka Degmada oo tirada xubnahan ku sheegay dhowr iyo toban, ayaa intaa ku daray inay wadaan baaritaanno ku saabsan falalka dilalka qorsheysan ee ay ka geysan jireen gobolka degaannada Bakool.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa weerarro iyo baaritaanno joogta ah ku haya goobaha lagu tuhmayao Ururka Al-shabaab,iyadoo ay dhowr jeer isu dhiibeen maamulka gobolka Bakool saraakiil iyo malleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Sooyaal;PP


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>