Kismaayo(pp) Madaxwayne ku xigeenka labaad ee mamulka Jubbaland mudane Cabdiqaadir Luga-dheera oo ay waheliyaan wasiirka arrimaha bulshada iyo arrimaha gudaha Jubbaland ayaa maanta dhagax dhigay saldhig cusub oo loo dhisi doono ciidamada Booliska.
Xaruntaan cusub oo laga dhagaxdhigay xaruntii hore ee Ciidamada badda (Marines) ee magaalada Kismaayo, waxaana dhismaha saldhiga Jubbaland ka taageeraya hay’ado caalami ah.
Cabdiqaadir Luga-dheere oo ka hadlayay dhagax dhiga saldhigan cusub ayaa sheegay inay tahay tilaabo horay loo qaaday oo qayb ka ah dadaalada uu wado magalada Jubbaland.
“Waxaan u astaynay wax wayn oo danta guud ah lagu qaban doono danta guud oo ah mida aan maanta u astaynay ina dhagax dhigno Xarunta Booliska ,Sharafwayn ayay noo tahay”.
Duqa degmada Kismaayo oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadlay dhagax dhiga xaruntan ayaa sheegay inay muhiim tahay shacabka Jubbaland inay mamulka kala shaqeeyaan arrimaha danta guud si loogu guulaysto shaqooyinka shacabka loo hayo.