Garowe(pp) Xafiiska difaacaha xaquuqda aadanaha ee Puntland ayaa qoraal kasoo saaray xariiga Khamiistii lasoo dhaafay magalada Garowe loogu gaystay wariye Jaamac Yuusuf Jaamac (Deperani) oo ka tirsan Telefeshinka Somalichannel.
Agaasimaha sharciyada xafiiskan Maxamed Abshir Maxamed oo la hadlay warbaahinta maanta galinkii danbe ayaa sheegay sifada loo maray xariga Jaamac Deperani inuu yahay mid sharciga ka fog ayna muhiim tahay in xorriyadiisa dib loo siiyo.
Sidoo kale Maxamed Abshir ayaa dowladda ugu baaqay inay dhowrto xorriyadda qofka iyo sharuucda dalka, hadalka masuulkan ayaa u dhacaya dowladdu inay sharci daro ku dhaqaaqday oo Jaamac Deperani siidayntiisa aan sharuud lagu xirin.
Jaamac Deperani oo aan la cadeyn sababta uu u xiran yahay ilaa iyo hadda ayaa maanta 15-beri oo xabsi xalaalayn ah lagu bilaabay, iyadoona loo dhaadhiciyay xabsiga weyn ee magalada Garowe.
Warbaahinta caalamka sida ururadda u dooda xaquuqda suxufiga ayaa cambaareyay xariga Jaamac Deperani oo aan weli maxkamaddu xukumin.
https://youtu.be/odDzukDxTbU
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe