Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

BOOSAASO: Sarifkii Doolarka oo si aada hoos ugu dhacay Degaanada Puntland & Maciishadii oo halkeedii taagan.

$
0
0

Boosaaso: (pp)- Waxaa maanta Jahawareer galay suuq yada sarifka lacagaha qalaad ee Puntland gaar’ahaan Lacagta Doolarka ah kadib markii  si aan caadi ahayn uu  hoos ugu dhacay, Dadka reer Puntland ayaa saaka kusoo toosay Sarifkii Doolarka oo hoos usii socda iyo Maciishadii oo halkeedii taagan waxayna tani walaac xoogan ku abuurtay qaybaha kala duwan ee Bulshada gaar’ahaan dadka dan yarta ah oo aan awoodin maciishada ku salaysan doolarka ee cirka ku shareeran iyo weliba Lacagtii doolarka oo maanta wax qiimo ah ka lahayn degaanada Puntland.

doolar doolar1

Maalintii shalay Sarfika Doolarku waxa uu maraayey Boqalka Doolar 2,250,000  oo shilinka somaliga halka uu maanta hoos uga sii sicdey Sh.So 1,700,000, Dadweynaha ayaa si aada ugu jahawareeray isbadelka degdega ah ee ku yimi Sarifka doolarka iyo hoos dhaca aadka u baahsan ee ka muuqda, Ganacsatada Sarifka ayaa ku sababeeyey hoos u dhacan ku yimi Doolarka dhawr sababood oo isbiirsaday ayna ugu weyn tahay Lacagtii Shilin Somaaliga ahayd oo ku yaraatay suuqyada Puntland kadib markii loo daad gureeyey Koonfurta Soomaaliya oo ay ka jirtay maalmahanba hoos u dhac doolarka ah.

Dawlada Puntland ayaan wax war ah kasoo saarin hoos u dhaca ku yimi Doolarka iyo Maciishada halkeedii taagan ee ku salaysay xiligii Boqolka Doolar lagu sarifi jirey, Afarta Malyan oo Shilin Soomaaliga ah, Waxayna dadweynuhu ka war dhawrayaan talaabada ay Dawladu ka qaadi doonto arintan dhibaatada culus wadata oo hadii aan degdeg wax looga qaban dhalin karta dhaqaale Bubur baahsan oo ku yimaada guud ahaan Puntland.

Maalinta Berito ah ayaa la filaayaa inuu hoos usii dhaco Sarifka Doolarka mana muuqato illaa iminka ifafaalo wax looga qabanaayo, Wuxuuna culayska ugu weyn ku dhici doonaa Guud ahaan dadka ku dhaqan Puntland iyo xitaa iyo Canshuuraha Dawlada oo ku salaysan Doolar iyo Shilin Soomaali labadaba, Haba ugu daraadeen dadka danyarta ah.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>